Friday, August 29, 2014

Somaliland: Wasiiro Socdaal kedis ah ku tegay Itoobiya


 [caption id="attachment_76990" align="alignleft" width="300"]DAGAAL BIIXI IYO WARAN CADDE OO ADDIS U DHOOFAY[/caption]Hargeysa(GNA)-Waxa shalay gelinkii dambe u dhoofay Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis-ababa Wasiirrada Khaarajiga iyo daakhiliga Somalilad Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde.




Xog rasmi ah lagama hayo ujeedada socdaalka Wasiirada, oo ku soo beegmay xilli Magaalada Addis-ababa ka aloosanyahay buuq- siyaasaddeed oo hadheeyey Madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.




IIo-wareedyo kala duwan oo Gobanimonews ka heshay safarka labada wasiir ayaa sheegaya inuu safarkoodu la xidhiidho arrimaha ammaanka ee labada dal, iyadoo si gaar ah farta loogu godayo xiisadii shalay ka dhacday deegaanka xadka labada dal u dhow ee Saax-dheer.




Halkaasoo sida la sheegay Ciidamo la tuhunsanyahay inay Liyuu Booliska Itoobiya ka tirsanyihiin taageero siiyeen Maleeshiyaadka Khaatumo.




Ashkato  ka dhan ah arrintaas ayaa wararka qaar sheegeen inay wasiirrada Somaliland u tageen Itoobiya.




Laakiinse Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, ayaa goor sii horaysay la hadal hayey inuu socdaal ku tegi doono Dalka Kanada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com