Monday, August 25, 2014

GOOGAA: Wax walba haye Hargeysa ku cusub oo la furay.daawo sawiro


[caption id="attachment_93830" align="alignleft" width="300"]Xaflada furitaanka Xaflada furitaanka[/caption]Hargeysa (GNA) Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim ayaa Maanta Xadhigga ka jaray Xarun ganacsi oo la yidhado GOOGA oo lagu iibinayo Dharka Ragga iyo haweenka, taasoo laga furay Magaalada Hargeysa.




Xarunta Ganacsi oo nooceedu ku cusubyahay dalka, ayaa waxay hoostagtaa Shirkada Dollar Store oo ka mid ah Shirkadaha ugu caansan Somaliland ee labiska Dhalinyarada Iibiya.




Munaasibad  xadhiga laga jarayey Dukaamada GOOGAA oo lagu qabtay goobta laga furay oo ku taalla dhismaha Deero Maal oo ah mid u samaysan suuq Ganacsi, ayaa  waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Warshadaha Abiib Diire Nuur, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteco, Maayirka Caasimada Djabuuti Xusseen Qiyaad, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shukri, Mulkiilaha Shirkadaha Dollar Store Axmed Cumar Cali (Shiine), Wasiirku-xigeenka Kaluumaysiga Cabdikariin Maxamed Mooge iyo Marti sharaf kale. [caption id="attachment_93829" align="alignleft" width="300"]Suuq kale Suuq kale[/caption] 




Wasiirka Ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim oo hadal ka jeediyay xaflada furitaanka ayaa Ganacsadeha Dukaanka furtay ku booriyay horumarka ganacsi ee uu sameeyay iyo hindisaha noocan ah oo dalka ku cusub.




Wasiir Qaasim ayaa intaas ku daray inay Wasaaraddiisu soo dhaweynayso hindise kasta oo Ganacsi iyo Maal-gashiga dalka, taasoo dhaqaale iyo fursado shaqo abuur laga dheefayo.[caption id="attachment_93831" align="alignleft" width="300"]Shiine Dollar Shiine Dollar[/caption]




Mulkilaha Dukaanka Googaa Axmed Cali Cumar (Shiine), oo isna xaflada ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay alaabooyinka lagu iibin doono suuqan iyo waxa uu kaga duwanyahay Dukaamadiisii hore ee Dollar Store.




Shiine Dollar, ayaa sheegay inay xarunta ugu talo galeen inay noqoto mid la jaanqaada suuqyada Ganacsi ee Casriga ah, kuwaasoo aan hore dalka looga samaynin, isagoo xusay inay qaybsantahay qaybo  kala duwan oo laga helayo agab noocyo badan oo ay ka mid yihiin Lebiska Dadka oo rag iyo Dumar Isugu jira iyo baddeecado kale oo daruuri ah.




Waxa uu sheegay in qiimo dhimis, soo dhaweyn iyo waliba raali gelinta Macaamiishu ka mid tahay himiladda Ganacsi ee Duukaanka Googaa, “qofka Macbiil joogto ah noqdaa wuxuu helayaa qiimo dhimis balaadhan”ayuu yidhi Shiine oo xaflada ka hadlay.




Furitaanka Dukaankan cusub, ayaa maanta la kowsaday dadweyne faro badan oo markiiba mashquuliyay, kuwaasoo soo dhaweeyay meheradan cusubi qaabka ay shaqaynayso iyo adeegyada hufan ee ay ka heleen.[caption id="attachment_93828" align="alignleft" width="300"]Suuqa Dharka Suuqa Dharka[/caption]




“markaan eegay Meheradani waa mid inagu cusub oo casri ah”ayuu Sheegay Gobanimonews Siciid Maxamuud mid ka mid ahaa Macaamiisha isla maantaba soo booqday xarunta Googaa.




Masuuliyiinta xaflada ka qaybgalay ayaa iyaguna indho indheeyay qaybaha ay ka koobantahay, waxaanay ku tilmaameen qaabka loo yagleelay dukaamadan aragti cusub oo bilow ah, taasoo heer caalami ah.




Dad badan oo Hadyado gacanta ku sita ayaa ka soo dareeray dhamaadkii Xaflada, kuwaasoo ku lebisnaa Garamo iyo Koofiyado lagu xayeysiinayo Dukaanka Googaa.




Saleeban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@gobanimonews.com