Sunday, August 31, 2014

Muqdisho: 12 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday Xabsiga xarunta NSS-ta


3 askari oo nabad-sugida ka tirsan ayaa la sheegay in la dilay




[caption id="attachment_94226" align="alignleft" width="300"]bomb expolation bomb expolation[/caption]Muqdisho(GNA)-august 31, 2014....ugu yaraan laba iyo toban qof ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday Xabsiga Jilicow ee xarunta Nabad-sugida ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.




Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ka mid ahaa Ciidanka nabad-sugida, 7  la rumaysanyahay inay kooxdii weerarka soo qaaday ahaayeen iyo 2 rayid ah.




Iska hor-imaad xooggan oo ka socday xarunta la wareeray, ayaa socday wakhti 45 daqiiqo ah, kaasoo aakhirkii lagu guulaystay in  Ciidadmada amniga la wareegaan goobta,




War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanku gaashaanka u daruureen weerar gaadmo ah oo ay xarunta xabsiga Jilocow ku qaadeen kooxada nabad diidka Al-shaab abaaro 11:30 galinkii hore ee maanta. Weerarka kooxda nabad diinka oo socday mudo 45 daqiiqo ah ayaa ciidanka dowladdu waxay ku dileen dhamaan xubnihii Al-shaab ee weerarka soo qaaday.




Ragga weerarka soo qaaday ayaa shan ka mid ah waxay ku lebisnaayeen Dirayska Ciidanka Nabad-sugida.




Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan la doonayay in xabsiga lagagala baxo rag alshabaab ka tirsan oo Maxkamaddu ku xukuntay Dil, kuwaasoo xabsigan ku jira.




“Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay ugu horeyn bogaadinaysaa ciidanka amniga dalka oo sameeyay horumar wax-ku ool ah. Waxay dhanka kale u tacsiyaynaysaa qoysaskii ay ka dhinteen naftood hurayaasha ka tirsan ciidanka aminiga iyo dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku geeriyooday. Waxayna si weyn u dhaleecaynaysaa falalka argagixiso ee ay soo abaabulaan kooxaha nabaddiidka ee Al-shabaab oo ah kuwo diidan nabad iyo horumar ka taabo gala Soomaaliya”.ayaa lagu yidhi beyaan ka soo baxay Wasaarada warfaafinta.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab oo ku saabsan weerarkan, waxaase Warbaahintoodu weerarkan ku tilmaameen howl-gal lagu guulaystay oo soo idlaaday.




Weerarkan ayaa maalin uun ka dambeeyay, dagaalkii shalay ciidamada dawladda kula wareegeen degmada Buulo-mareer ee Gobolka Sh. Hoose.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com