[caption id="attachment_93801" align="alignleft" width="300"] Dagaalyahanada ISIS dabaal deg samaynaya guusha kaddib[/caption]
Tabqa(GNA)-Xooggaga ISIS, ayaa la wareegay Saldhig Ciidamada Cirka ee Syria lahaayeen oo ku yaalla duleedka Magaalada Tabqa ee Waqooyiga dalka Syria.
Dagaal socday ilaa Khamiistii la soo dhaafay kaddib, waxa la arkayay Dagaalyahanada Kalifada la baxday Daacish oo ku dabaal-degaya badhtamaha Magaaladaas iyo Saldhiga ay qabsadeen.
346 Dagaalyahan ka mid ahaa ISIS iyo 170 Askari oo ciidamada dawladda ah ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen dagaalkaasi.
Milateriga Syria ayaa wali duqeymo cirka ah ka wada meello u dhow Saldhiga laga qabsaday iyo deegaamo kale oo ay ku suganyihiin ISIS.
Dagaalka ayaa sababay baro kaca boqolaal kun oo qoys oo mandaqadan ku noolaa, kuwaasoo ka cararay xabadda.
Madaxweynaha Syria Bashar al-asad ayaa amar ku bixiyay inay milaterigu si dhakhso ah ula wareegaan Saldhigan.
Qabsashada saldhigan ayaa xooggaga daacish u ah guul muhiim ah oo ay ka gaadheen dagaalka afar jirsanaya ee ay kala soo horjeedaan Dawladda Dalkaas.
Saldhigan ayaa waxa yaalla hub xajmi badan oo kala duwan, kaasoo ay ku jiraan diyaarado dagaal, noocyada kala duwan ee hubka culus iyo Kayd rasaas.
Maraykanka iyo xulafada reer Galbeedka ee gacanta kula jira arrimaha Syria ayaa walaac weyn ka muujiyay qabsashada Kooxda ISIS ee Saldhigan muhiimka ah.
Washington ayaa dhaqdhaqaaq Argagixiso oo halis badan u aqoonsatay Kooxda ISIS, kaddib markii ay guluf hor leh kula wareegeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Ciraaq.
Laakiinse Maraykanka ayaa hore u taageeri jiray Mucaaridka Syria, ka hor intaanay dagaalka ka bilaabin ciraaq.
Washington ayaa ciyaaraysa dagaal ku wajahan labada waji ee ay Kooxda ISIS gulufka uga wado Syria iyo Iraaq.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sheegay todobaadkii la soo dhaafay in Kooxda Daacish ay tahay Argagixisadii ugu halista badnayd ee adduunka soo marta, taasoo buu yidhi lagaga guulaysan karo iskaashi caalami ah oo lagaga hortago.
Qaar ka mida wadamada reer Galbeedka ee Xulafada Maraykanka la ah, kuwaasoo Ingiriisku ka mid yahay, ayaa aaminsan halista Kooxda ISIS.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com