Saturday, August 30, 2014

Ururka BDT ee kulan xog-waraysi ah ku qabsaday Bariga London


IMG-20140825-WA0001




 



London(GNA)-Waxa ka qabsoomay xaafada Newham ee bariga magaalada London kullan casho sharaf oo isugu jirta soo dhaweyn iyo xog-waraysi, taas oo ay soo agaasimeen gudiga BDT ee magaalada London. Sida laga warqabo ururka BDT waxa uu ka fuliyey mashaariic wax-ku-ool ah degmada Ballidhiig kuwaas oo isugu jira waxbarasho, caafimaad iyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.




Kullankaas waxaa lagu furay duco iyo xusida illaahay. Intaas kadib, waxaa hadallo isugu jira soo dhaweyn iyo guudmar waxa kullanku ku saabsanaa halkaas kasoo jeediyey gudoomiyaha BDT Cismaan Cige oo ku dheeraaday taariikhda faca weyn ee ay leedahay degmada qadiimiga ah ee Ballidhiig. Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu dheeraaday qorshayaasha uyaala hay’ada BDT waqtiga dhow.




Waxaa isaguna warbixin kooban oo ku saabsan xaalada degmada halkaas kasoo jeediyey Ibraahim Aadan Dal-dal oo dhowaan kasoo noqday wadanka oo sheegay in maalgashi qurbajooga looga baahnyahay iyo inay wadankii iyo degmadaba dhaqaale iyo dhismaba geliyaan.IMG-20140825-WA0000 IMG-20140825-WA0006 (1)




Intaad kadib, waxaa xog-waran dheer goobta kasoo jeediyey Abokor Ibraajhim Xasan (Qoorgaab) oo kamid ah aasaasayaashii ururka BDT kuna dheeraaday qaabkii lagu billaabay ururka iyo mashaariicda uu illaa hada laga fuliyey gudaha degmada Ballidhiig isaga oo ururku ka qayb qaatay mashaariic kale oo badan oo laga fuliyey meelo badan oo Somaliland amaba deegaamada bariga Somaliland ah. Waxa kale oo uu Abokor xusay inay tahay waajib in lasii wado mashaariicdaas khayriga ah iyada oo xaga illaahay ajar iyo xasanaad lagaga helayo.




Waxaa iyaguna hadalo kooban goobtan ka sheegay Yuusuf Goo-gooye oo soo noqday gudoomiye ku xigeenka degmada Ballidhiig, Max’ed Carablow oo kamid ah hogaanka ururka BDT ee UK, Faarax Maex’ed Cabdille Qorax, Max’d Abokor Dubbe, Baashe Faarax Dheere, qoraaga iyo weriyaha weyn Maxe’d Baashe X Xasan oo dhammaantood hadalo isugu jira soo dhaweyn ku aadan Cali Jaamac iyo weliba guubaabo goobta kasoo jeediyey.




IMG-20140825-WA0007




Waxa ugu danbayn halkaasi ka hadlay Cali Jaamac Galaal oo ugu horayn ka sheekeeyey waayihii iyo dhallinyaranimadiisii oo uu kusoo barbaaray degmada Ballidhiig iyo wixii uu ka xusuusto, wuxuuna xusay sida ay lagama maarmaanka utahay in lasii ambaqaado  hawlaha horumarinta ah ee kasocda degmada oo uu aad ugu amaanay qorbajoogta oo uu ku tilmaamay lafdhabarka waxqabadka degmada. Cali waxa uu xusay inuu sanadihii udanbeeyey si isdaba jog ah utegayeye wadanka mar kastana booqanayey degmada uuna isha kuhayey kana qayb qaadanayey barnaamijyada horumarinta isaga oo ballanaaday marka uu Cumaan dib ugu noqdo inuu abaabul horleh ka dhexbillaabi doono jaaliyada kunool halkaasi oo ay kamid yihiin xubno badan oo degmada Ballidhiig kasoo jeeda.IMG-20140825-WA0006




 



Cali Jaamac Gallaal waxa uu aad uga mahad celiyey sida wanaaagsan ee ay usoo dhaweeyeen xubnaha BDT London. Halkaasna waxaa lagu soo afmeeray kullankaasi qiimaha badnaa.