Wednesday, August 27, 2014

Mid ka mida Beelaha Dhulbahante oo ka soo horjeesatay Khaatumo


[caption id="attachment_93930" align="alignleft" width="300"]KARASHGaraad Saleban iyo Axmed-karaash[/caption]Garoowe(GNA)-Kulan  ay Ku yeesheen magaalada Garoowe Issimada, waxgaradka, Siyaasiinta , Ganacsatada iyo Xubno ka tirsan Qurbo joogta beesha Ugaadh-yahan dhulbahante ayaa waxay kasoo saareen baaq ay ku cadeynayaan inaan loo dhamayn shirarka iyo doorashada  maammulka Khaatumo ee todobaadyo ka hor lagu qabtay Tuulada Saaxdheer ee Gobolka Sool.




Waa Beeshii ugu horaysay (Beelaha Dhulbahante) ee toosa uga soo horjeesata abaabulka siyaaasaddeed ee Cali Khaliif Galaydh Khaatumo ku aasaasay.




Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa ka koobnaa ilaa saddex qodob waxaana ka mid ahaa qodobada lagu xusay bayaanka beesha magacaabista xubin u matalaysa siyaasada gudaha iyo dibada afka beelaha ugaadhyahan-na ku hadlaya  oo la isla gartey inuu noqdo Dr-Abdulaahi Xasan Maxamud (Spanish).




Sidoo kale bayaanka beesha Ugaadh-yahan  kasoo saareen Garowe ayaa loogu baaqay beel-weynta dhulbahante inay si deg dega isugu yimaadaan shir looga wada hadlayo wixii la kala tabanayo.




Halkan ka hoose ka akhriBAYANK