Sunday, August 24, 2014

Shidaal Yaraan Soo Foodsaartay S/land Iyo Xukuumada Siilaanyo Oo Ku Mashquushay Saarka Ay Ka Tumayaan Fanaaniinta Qaryaan Dhoodaan


Hargeysa, (GNA) – Shidaal yaraan baahsan ayaa soo foodsaartay guud ahaan Somaliland, kadib markii Kaalmaha shidaalka lagu iibiyo uu gabaabsi ku noqday shidaalka gaar ahaan Badroolka (Patrol) oo ay ku shaqeeyaan Baabuurta yaryar ee dadweynuhu adeegsadaan.




Shidaal yaraantan saamaysay guud ahaan bulshada ayaa todobaadkii u dambeeyey si weyn looga dareemay isku socodkii gaadiidka caasimada dhex mushaaxi jiray, taas oo  keentay inay yaraadeen saxmadii gaadiidka yaryar ee raaxada ah oo si weyn loo dareemi jiray saacadaha dadweynuhu shaqooyinka ku socdaan iyo marka ay ka soo rawaxayaan balse hada ay wadooyinku haawanayaan ama gaadiid tiro yari marayaan.




Kaalmaha Shidaalka oo uu aad ugu yaryahay Shidaalka nooca Badroolka ah ayaa hadiiba aad ka hesho waxa uu qiimuhu gaadhay halkii Liter 8,000SL/SH halka uu awal hore ka ahaa halka liter 6,500SL/SH.




A/Kayse Cali oo ka mid ah dhalinyarada gaadiidka yaryar wata ayaa sheegay in maalintii shalay mar uu gaadhigiisu kaga goostay meel u dhaw Dawlada Hoose ee Hargeysa, isla markaana uu shidaal u doontay kaalin shidaal oo halkaasi ka dhaweyd ay shaqaalihii Kaalinta Shidaalku u sheegeen in aanay ka wada iibin karin shan liter oo shidaal ah oo uu dalbaday balse maadaama oo gaadhigu uu ka goostay ay ka iibin karaan laba liter oo uu meesha kaga dhaqaaqo.




Wasaarada Ganacsiga ee Xukuumada Siilaanyo ayaan wax talaabo ah oo ay ilaa hada ka qaaday shidaal yaraantan soo food saartay Somaliland aanay jirin, waxaanay xukuumadu maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanayd oo ay madaxa u lulaysay soo dhaweynta iyo durmaanka koox fanaaniin dhaqameedka ah oo ka soo shaqo tagay dalka aynu ood wadaagta nahay ee Ismaamulka Dawlad Deegaaanka Soomaalida Ethiopia.




Soo Dhaweyntan Fanaaniinta ayay dad badan ku macneeyeen in kooxdaasi Durmaanada wadata ee Qaryaan Dhoodaan ay Saarka ka cuudinayaan Xukuumada Siilaanyo, iyadoo la rumaysan yahay in kooxdani ay Somaliland kala amba-bixi doonto Kiish iyo Jeebado Buuxa oo ay ka faa’iideen adeegii Madadaalada ee ay Somaliland ka sameeyeen. 




Halka Wasiirka Warfaafintu uu maalmihii u dambeeyey dagaal kula jiray dhalinyarada Fanaaniinta Xidigaha Geeska, oo ka tirsanaa wasaaradiisa.




Xigasho: Hilaacmedia.com