Tuesday, August 26, 2014

Jamaal Cali Xuseen Oo Qaadhaan Bixiyeyaasha u Sheegay In Diiwaangalinta Madanigu Tahay Mashruuc Xukuumi ah


jamaalHargeysa, (GNA) - Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inay kulan la yeesheen qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arimaha doorashooyinka isla markaana ay kala hadleen in xukuumadu ay gadhka isku gelisay labada diiwaangalinood ee diiwaangalinta cod bixiyeyaasha iyo diiwaangalinta madaniga ah.




Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu xusay in qabashada diiwaangalinta madaniga ahi ay tahay mashruuc xukuumadu dabada ka riixaysay oo ay ku khalkhal galinsayso qabsoomida doorashada inkastoo uu xusay in diiwaangalinta madaniga ahi ay dalka u wanaagsa tahay oo ay sanado qaadato balse ay iyagu xisi mucaarid ahaan door bidayaan in ta codbixyeyaasha la soo horaysiiyo si doorashadu u qabsoonto.




Jamaal Cali Xuseen oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu kala hadalnay arinka ugu weyn ee ay u yimaadeen oo ah labadan diiwaangalineed ee ta madaniga ah iyo tan cod bixyeyaasha oo gadhka la isku galiyey oo runtii abuurtay jahawareer aad u farabadan.




Waxa jiray waraaq ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran, wasiirka daakhiliguna uu saxeexay oo lagu tashaday in diiwaangalintu ay kala yihiin laba diiwaangalinood oo kala duwan oon shuqul isku lahayn, ta madaniga dadka ayaa la tirakoobayaa ta codbixiyeyaashuna waa ta ay deeq bixiyeyaashu ay eegayaan si doorashooyinku ay inoogu qabsoomaan, dawladu iyada ayaa mashruucaas wadatay mashruuc gaar u ah ayuu ahaa, diiwaangalinta madanigu sanado ayuu qaataa”.




Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid mar uu ka hadlayey xeerka diiwaangalinta ee Baarlamaanka xukuumadu geysay ayaa waxa uu yidhi  “Dawladu halkii ay Baarlamaanka ka keeni lahayd xeerkii diiwaangalinta cod bixiyeyaasha ayay waxa ay ku soo qastay xeerkii madaniga ah, waxaana xeerka ku qoran in ta madaniga ahi ay dhamaato mooyaane aan ta cod bixinta la qabto, arimahaa ayaanu kala hadalnay aadhaan bixiyeyaasha”.




Xigasho: Hilaacmedia.com