Thursday, August 28, 2014

Cisbitaalka Mombasa oo xidhmay iyo Dad daryeel la’aan ugu Dhintay


[caption id="attachment_93966" align="alignleft" width="180"]Cisbitaalka xidhmay Cisbitaalka xidhmay[/caption]




Mombasa(GNA)-Dhibaato dhanka adeegga cafimaadka ah ayaa ka taagan magalada Mombasa ee dalka Kenya, kadib markii albaabada loo laabey cisbitaalka guud ee magalada Mombasa.




Todobaadki hore ayaa Cisbitaalkan bukaanno ay daryeel la'aan ugu dhinteen, taasoo si weyn looga biyo diiday, iyadoo ay saamaysay shaqo joojinta shaqaalaha caafimaadku.




Xiritaanka cusbitaalka ayaa iminaysaa kadib markii shaqaalaha cafimadka kenya ay shaqo joojin sameeyeen.




Xogahayaha guud ee ururka shaqaala cafimaadka seth pankayo ayaa sheegay in xaaladu sidan kasii dari doonto, hadanay wasarada cafimaadku wax ka qaban cabashada shaqo joojinta sababtay ee shaqala cafimaadka.




Shaqaalaha caafimaadka dalka Kenya ayaa dalbanaya inuu iscasilo wasiirka cafimaadka kenya james mashaariya oo ay  ku eeddeynayaan inuu  xuquuqdooda duudsiyay.




Cabdiraxmaan Buur-dhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com