Sunday, August 31, 2014

Siilaanyo oo mawqif adag iska taagay dagaalkii Saax-dheer, xilli shacbigu walaacsanyahay


Dhawaaqa Siilaanyo dhaymo ma u noqon doonaa dareenka shacabka ee  ku aadan Cambaareynta QM iyo EU-da ee sii socota..?




siilaanyo44Hargeysa(GNA)-Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Markii ugu horaysay caddeeyay inay ciidamada Qaranku iyagoo amarkiisa ku socda fuliyeen ka hawl-galkii ay khamiistii ku furteen Deegaanka  Saax-dheer oo saldhig u ahayd dhaqdhaqaaqa siyaasaddeed Cali Khaliif ee Khaatumo.




Tani waxay ka soo soke martay baaqyo iyo Eeddaymo caalami ah oo looga soo jeediyay qabsashada Saax-dheer ee Ciidanka Somaliland, taasoo u muuqata in QM, Midowga Yurub iyo dawladda Soomaaliya dhamaantood ka soo horjeedaan, ujeedada ay doonaan haka lahaadeene.




Inkasta oo aanu si balaadhan uga hadlin amuurtan, hadana sida laga soo xigtay qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka, waxa uu ku sheegay inay dawladdiisu adeegyo gaadhsiin doonto Deegaankaas.




 “Ciidanka Qalabka sida ee Somaliland oo amarkayaga ku socda waxay si guul ah u sugeen nabadgelyada magaallo  xuduudeedka Saax-dheer”.ayuu yidhi sida ay Somalilandtoday  soo xigatay, waxaanu intaas ku daray “Dawladdu hadda adeegga ayay gaadhsiin kartaa..”.




Dhinaca kale, ilo-wareedyo  Gobanimonews ka heshay madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya inay xukuumaddu diyaarinayso qorshe dib u dejin deg-deg ah loogaga sameynayo deegaanka Saax-dheex iyo Gobolka Xaysimo oo uu dhawaan Magacaabay Madaxweynuhu, kaasoo hadda wajigii hore ee dhismaha maamulkiisa uu sameeyay Madaxweynuhu.




Hogaamiyaha Maamulka la baxay khaatumo ee Saax-dheer laga eryay , ayaa madaxweyne Siilaanyo ku eeddeeyay inuu colaad ehli ah ka abuurayo deegaamada bariga, siiba dadka ood-wadaagta ah ee ay labada masuul ka soo kala jeedaan oo gobollo badan wada dega.




Laakiinse Madaxweyne Siilaanyo eeddaasi wax jawaab ah oo cad kamuu bixin, waxaanay u muuqataa inaanu arag eeddeyn micno ku fadhida oo jawaab u baahan.




Dhinaca kale, dhawaaqa Madaxweynaha ka soo yeedhay, ayaa miisaanku doono ha lahaadee waajahaya  dareenka shacbiga ku dhaqan Caasimada oo si weyn uga walaacsan cambaareynaha sii socda ee Caalamka looga soo jeedinayo dawladda, kaddib weerarkan ay ku qabsatay Saax-dheer.




Su’aalaha ugu badan ee ay dadku isweydiinayaan ayaa ah sababtay Maamulka dalku ugu hamranayo Hay’addaha QM iyo kuwa kale ee dalalka ka soo horjeeda arrintan ee dalka ku sugan. “waxay ahayd inay xukuumaddu erido Hay’addaha QM iyo EU-da ee dalka jooga, maadaama ay iyaguba ina ixtiraami waayeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida dadka arrimaha siyaasada lafa-gura.




Maxamed oo ah Nin waxna ka qora arrimaha siyaasadda ayaa intaas ku daray “anigu ma garanayo sababta ay xukuumaddu uga aamustay waxan socda”ayuu yidhi. “waxaase loo baahanyahay inay talaabo dhakhso ah qaado”ayuu ku sii daray.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com