Friday, August 29, 2014

Erdogan oo Reysal-wasaare cusub doortay


[caption id="attachment_94080" align="alignleft" width="300"]erdogan oo Ahmet dev u doortay reysal-wasare cusub erdogan oo Ahmet dev u doortay reysal-wasare cusub[/caption]Madaxweynaha Dalka Turkiga ee cusub recap Tayyip Erdogan ayaa loo dhaariyay xilka Madaxtinimada dalkaasi, waxaanu kala wareegay Cabdalla Guul.




Erdogan oo xilka kula wareegay Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Anchor, ayaa markii la dhaariyay kaddib khudbad uu ka jeediyay xaflada ku dhaartay inuu ka shaqaynayo sidii dalkiisu horumar uu u gaadhi lahaa inta uu xilka hayo.




Erdogan ayaa carabta ku dhuftay inuu ka shaqayn doono, isagoo kaashanaya xukuumaddiisa iyo Xisbiga talada dalka inay midnimada umada reer turki iyo horumarinta dhaqaalaha ku dedaali doonaan.




“way dhamaatay d’adii casri jaahiliga ee turkey”ayuu ku sheegay Khudbad uu jeediyay Erdogan. Waxaanu intaas raaciyay “waxaynu nahay  dhiiga cusub ee Turkiga ee qaadaysa Masuuliyada Jamhuuriyada”ayuu yidh.




Hogaamiyeyaal badan, wakiilo metelayay wadamo, ka mida saaxiibeyaasha Turkiga ayaa ka qayb galay Xaflada, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo marti qaad ka helay dhigiisa Turkey erdogan.




Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn uga dhex muuqda arrimaha Soomaaliya, waxaanu uga faro dhuudhubanyahay wadamo badan oo wakhti dheer dano ka lahaa.




Reysal-wasaaraha cusub ee Turkiga




Saacado yar kaddib caleemo saarkiisa, erdogan waxa uu reysal-wasaare cusub u magacaabay Ninka ay isku aragtida siyaasadeed aaminsanyihiin ee Ahmet Davutoglu , kaasoo noqonaya Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee A.K.P iyo hogaamiyaha Xukuumadda cusub.




Ahmet Davutoglu  ayaa ah siyaasi dhexdhexaad ah, laakiinse ma haysto waayo aragnimo siyaasaddeed oo ka badan shan sannadood oo uu wasiirka Arrimaha dibada ahaa.




Hase ahaatee waa nin aqoon badan iyo furfurnaan isku darsaday, oo la aaminsanyahay inuu u qalmo Kursiga RW, iyo guddoomiyaha Xisbiga.




Intii uu ahaa Wasiirka arrimaha dibada waxa uu door muuqda ku lahaa, isla markaana fure u noqday horumarka siyaasadda arrimaha dibada  ee uu dalka Turkigu ku talaabsaday, isagoo dhinaca kalena mawaaqifta arrimaha caalamka ee turkiga xaalada bariga dhexe si weyn uga dhex muuqday.




Madaxweynaha cusub ee Turkiga ayaa ka awood badan Ninka uu xilka kala wareegay ee hada, waxaanu yeelanayaan awood hogaamineed oo uu ku gudan doono masuuliyadihiisa dastuuriga ah oo dhan.