Wednesday, August 27, 2014

Siyaasi Xog-uruurin uu ka sameeyay Bariga Sanaag la gaadhi kari la’ M/weyne Siilaanyo


Cali-maraykan: Degmo degmo iyo tuulo-tuulo ayaan u soo maray Gobolka, waxaanan waydiiyay waxay u baahanyihiin...




“Kuwait ayaa isugu kaaya dambeysay Madaxweynaha, hadase waan la kulmi kari waayay.




[caption id="attachment_93919" align="alignleft" width="300"]Siilaanyo iyo siyaasi Cali Maraykan oo wada fadhiya Siilaanyo iyo siyaasi Cali Maraykan oo wada fadhiya[/caption]Hargaysa (GNA) Siyaasi Cali Ciise Cali oo ka mid ah qurbajoogta deegamada Bariga Sanaag Gaar ahaana Badhan ayaa Ka Hadlay shir ay deegaanka xingalool ku yeelanayaan beeshiisu,Baahiyaha Bulshadaasi Iyo Waxqabadka xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.




Cali Ciise Cali Oo ku Magac dheer Cali Maraykan waxaa uu sheegay inay saaxiib dhow yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isla markaana markii ugu danbaysay uu kula kulmay dalka Kuwait Magaalada Doha waxaana uu marka hore ka hadlay warbixina ka bixiyay shirka qabanqaabadiisu ka socoto deegaanka xingalool oo la sheegay inay wadaan xubno qurbajoog kazoo jeeda degaankaasi waxaanu uu cadeeyey inaanu ahayn shir wax u dhimaya qaranimada Somaliland balse ay ku rajo wayn yihiin inay kazoo baxaan wax ka farxiya umada iyo dowlada Somaliland, wuxuuna taageeray sidii quruxda badnayd ee uu wasiirka gaashaandhiga Somaliland axmed Xaaji Cali Cadami uga hadlay shirkaasi.




Cali Ciise Cali waxa uu soo hadal qaaday in dadka deegaankaasi u baahan yihiin in wax loo qabto isla markaana lasii kordhiyo wixii hore loogu qabtay waxaana uu ka dhawaajiyay inuu deegaamadaasi lugtiisa ku tagay isla markaana uu xog buuxda ka hayo baahiyaha dadku u baahan yihiin iyo sida loola macaamili karo waxaana uu yidhi isagoo arimahaasi Ka hadlaya Sidatan “ Horta degaamadaasi baahiyuhu waa badan yihiin,wax laga qabtay waa jiraan oo weliba ah xiligii uu talada Somaliland qabtay Madaxweynaha Hada jooga balse waxaa loo baahan yahay in waxqabadka dadkaasi lasii kordhiyo,anigana waxaan deegaanka kazoo qaaday xog ururin ku saabsan dadku waxay tabanayaan iyo waxay u baahan yihiin in xukuumadu wax kala qabato,waxaana jirta Madaxweynaha oo aan saaxiib nahay in badana aan kulanay inay hada igu adkaaday inaan la kulmo oo Madaxtooyada la fadhiisto Si aan ugu Xogwaramo,taasina waxay keentay inaan warbaahinta u mariyo si aan madaxweynaha u kulano,waxaana aan rajaynayaa inaanu kulmi doono insha alaah “ Ayuu yidhi Cali Ciise Cali Maraykan




Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Cali Ciise inay markii ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Safarkiisii uu ku tagay dalka Kuwait isla markaana uu uga xogwaramay dalkii hooyo Uu Go’aansaday inuu dalka yimaado si uu u wacyigeliyo bulshadiisa,isla markaana uga daadejin lahaa sidii ay dowlada Somaliland ee Uu hogaanka U Hayo Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud sidoo kalena wax ula qabsan lahaayeen bulshadooda somaliland.




Warbixin Guud oo ku aadan xaalada Gobolka




Dhanka kale Cali Maraykan ayaa ka hadlay Horumarka deegaanka ee dhinacyada Caafimaadka,waxbarashad,Nabadgelyada, Iyo Biyaha waxaana uu u mahadnaqay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Cali Cadami Waxaana Hadalkiisa Uu Ku Bilaabay Sidatan




 “ Salaam kadib waxaan  Ilaahay ugu Mahad naqayaa Caafimaadka uu ina siiyay,Nabadgelyada Iyo Horumarka Somaliland Waxaanan Leeyahay Dalkasta dadkiisa ka shaqeeya horumarkiisa,dhamaan wasiirada xilka ka haya dowlada Somaliland,marka hore inaad noqotaan rag beel qudha ka soo wada jeeda ama hoos taga gobol qudha oo aad ka jeedaan dhamaantiin idinka oo sugaya waxqab horumarkeeda dadkiisuna inuu ka sugo wax qabad wanaagsan idinkoo wakiil ah umada gobolka .wasiirada Somaliland waa inaad ka midha dhalisaan horumarka umadiina oo aad mid noqotaan marka hore waxaan mahad naq balaadhan usoo jeedinayaa wasiirka difaaca xooga dalka Somaliland mudane mr: cadami oo wax la taaban karo umada gaarsiiyey isagoo xil gaara iska saaray bulshada umada ku nool gobolka sanaag iyo haland mida israac iyo wanaag jecel umada gobolka uhayso dowlada Somaliland haday socoto mid mid Somaliland la gaaraya umadiina waxay jeceshahay nada iyo waxtar wanaagsan oo uu ka wado gobolka  mudane cadami oo ah wasiirka difaaca Somaliland




Ujeedo




warbixin  hadii aan ka soo dhoofay dalka kuwayt oo aan imi  dalkii iyo gobolkii waxaan soo gaadhay 18/09/2011 waxaanan bilaabay safarkaygii gobolka sanaag anigoo socod tuulo ilaa tuulo magaalo ilaa deegaan isu maray anigoo la shirayey islamarkaana xogwaraysanayey kuna baraarujinayey in loo baahan yahy midnimo wada jira iyo qodobada hoos ku qoran.




1 xoojinta nabadgelyada deegaanka




2 dhaqaajinta maamul wadaaga degmooyinka




3 bixinta iyo qabashada cashuurta bad iyo beriba




4 helista maamul dawlad nimo iyo shuruudihiisa oo dhamaystiran




Hadaba markii aan dhamaystay socodkaygii dheera iyo shirarkii aan layeelanayey dadka deegaanka waxa ii soo baxday in guud ahaanba shacabka deegaanadaasi kalsooni buuxda u hayaan xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne axmed maxamed maxamud silaanyo iyagoo hadal haya in markii uu talada qabtay shacabka deegaanadaasi goaansadeen in ay wax la qabsadaan Somaliland taaso aan dhicin xukuumadi isaga ka horeeyey .




Gebagabadii warbixintayda markii aan arkay sida wanaagsane ay dadku kugu kalsoon yihiin ka wasiir ahaan mahadna ka sheeganayaan waxaad qabatay waxaan ku talin lahaa in dawladu dib uga fiirsato shaqaalaha gobolka jooga lana xusho xubno firfircoono oo aqoona leh si ay bulshada ugaadhsiiyaan waxay bulshda uga wakiilka ahaayeen waxaanan uga socda  indha hayga kuma arag cidleh waxaanu nahay shaqaalaha Somaliland dhalinyaro iyo waayeelba, haday jiraana maaha qaar dhaafa magaalooyinka waaween waxaanan ugu baaqayaa inay dadku fekeraan maskaxdoodana ka shaqaysiiyaan siday ubedeli lahaayeen nolosha manta haysata mid dhaantana ugaadhilahaayeen isna waydiiyaan waxay dalkooda uqabankaraan.




Deegaanada aan socdaalka kusoo maray ee dhamaantood sida balaadhan  laiga soo dhoweeyey anigoo sita kuna lebisan calanka jamhuriyada Somaliland ee midabada badan waxa kamida badhan,haadafdiimo, dhahar.ceelguhu, buraan, xingalool,baraagaha qol, bali busle, carmale, jiingada, shimbiraale, biyo guduud, sibaayo, damalo xarago, tooro booro, midigaale, dharkaynlay, kala dhac, iyo beeraha buurta calmudug”ayuu ku soo gabagabeeyay, hadal qoraal Gobanimonews ka heshay siyaasigan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com