Sunday, August 31, 2014

Odayga Somaliland ugu da'da weyn oo Ingiriiska u jawaabay


CABDI-WARAABE




  “Mareykan iyo Faransiis midna eedeyn meyno ee sababtu waa adiga Ingiriisoow ee Lugaha ….Xaaji Cabdi Waraabe




Xildhibaan (Gobanimonews)31-8-2014- Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ), oo  ah mudnaha ugu da’da weyn golaha guurtidda Somaliland, ayaa Dawladda Ingiriiska ah ku weeraray Weedho kulul oo aanay hore uga maqal dawladdahii kala dambeeyey ee Somaliland Soo maray,waxana uu ku tilmaamay Ingiriiska mid ku taagan Aqoonsiga Somaliland.




Xaaji Cabdiwaabe, oo shalay ka hadlaayey dood ay ka yeesheen mudanayaasha golaha guurtiddu  Siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland, ayaa hadal dheer uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku tilmaamay inay dawlada Ingiriisku tahay Cadawga ugu weyn ee ku taagan aqoonsiga Ictiraafka Somaliland waxana uu Madaxda iyo Shicibka Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan oo ogaadaan dawlad kalena aanay ku eedeynin ee uu Ingiriisku doonaayo in uu dawlado kale ka dhex sameeyo guddaha Somaliland taasina ay si weyn u la socdaan shacabka iyo dawladda Somaliland kana waantooba arintaasi.




 




Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ) oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi  “Maanta waxa inoo cadow ah dawladdii Ingiriis oo damacday inay  Somaliland iyo Somalia isku xukunto, dawlad gob ah ayey aheyd mar qudha ayey dhirbaaxo inagu dhufatay markiina way ina baabi’isay  waa markii ay Xayla salaasa dalkeena siisay , waa markii ay Xadka  Jabuuti dusheeda ka soo qaaday ee beerta ayaan daran la yidhaahdo ee ay Ina-guuxa marisay markaas ayey ina baabi isay inaguna mar ayeynu baabi’ inay oo markii aynu dawladnimada qaadanay ayuu yidhi dawladnimada aan idin baro ee waxa aad yeeshaan wadamada Barwaaqa sooranka gala ragii yidhi geli meyno ayaan ka mid ahaa ee israaca Somalida dooneyey, waxaanan ku nidhi  adigu  haddii aad gobanimadii na  siisay naga tag cirkana mari meysid dhulkana mari meysid ayaanu nidhi labadaasi ayeynu kala ridanay,maantana  Inagii ayuu ina qawaday oo Somalia ayuu u booday Ingiriis”




Xaajiga oo eedeymo kulul u jeediyey dawladda Ingiriiska waxa uu yidhi “Ninka ina horjooga waa Ingiriisa,waxana aanu leenahay Ingiriis  maanta na kari meysid oo dabeecadayada waad taqaan oo dabeecada Somaliland waad taqaan  ninkii maalintii dhaweyd Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka socday ayaanu is aragnay oo waanu wada hadlay oo xaqiiqada waan u sheegay waxa aan ku idhi idinka ayaa cagta nagu haya ee yeynaan kala dhimanin ee dawladdo kale ayaa jira oo Ilaahay ayaa jira ee inaga ayaa is aheyn oo is afnaqaane naga deg oo khadkii aad adigu dhigtay ee waliba nagu soo cidhiidhiday ayaad waliba daba socotaa oo Cali Khaliif Galeydh aad adigu wadaa oo dawladdaha kale adiga ayaa soo hogaaminaaya  oo Mareykan iyo Faransiis midna eedeyn meyno ee sababtu waa adiga ee wax aanad helaynin ha ku haraadin ee ka daa oo labada dhirbaaxo ayeynu kala ridanay ka soo noqo waxana aan kugu dhaafayaa cagta ka qaad oo Ictiraafkayaga adiga ayaa ku taagan ee sii daa oo Caalamka wax ayaanu ku tari anagu wax ayaanu taransan reer nabi aadana wax ayaanu u tari dadkuna waa mid qudha ee cagta naga qaada aanu ka qeybgalo caalamka oo Ictiraafkayaga Ingiriisoow ku dhawaaq oo ku horee”




Md  Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe )  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Sidaas ayey dantayada iyo taaduba ku jirtaaye oo dagaalkii ayaanu kula galay oo dhalinyartayadu ku dhinteen oo af iyo adinba waanu kugu raacnay oo waanu kuu hiilinay in badan ee xaq kuugumaanaan yeelan Ingiriisoow maanta dawlad ayaan ka dhex sameynayaa xuduuddii yareyd ee aad na siisay na ma qabato oo Itoobiya walaalo ayaanu nahay oo afrika ayaanu wada nahay Jaarna waanu nahay oo waanu heshiin Itoobiya ee adigu Ingiriisoow (Britain) ha moodin in aanu ku moog nahay ee cagaha iyo lugaha naga la bax  waanu dhisanahay oo xoriyadayadii waanu la soo noqonay ee dhibaatadda naga daa waanu garaneynaa oo Jamhuuriyadda aniga ayaa u da’  weyn oo 120 jirkii hal gu ayaa iiga dhiman oo waxa aan ahay 119 jir intaana Ingiir ayaan la soo shaqeeyey dhawr iyo labaatan sanno ayaan caaqil ahaan oo Ingiriisoow waan ku la shaqeeyey aniga,  aabahay  iyo walaalkeyba way kula shaqeeyeen  oo adeerkeyna waa uu idin la shaqeeyey oo daabeecadiina aad ayaan u aqaanaa ee wax aanad heleynin ha ku daalin ingiriisoow“




Sidoo kale mar uu  ka hadlaayey Xaajigu inay Somaliland Mucaarid iyo Mucaafid meel uga soo wada jeedo qadiyadeeda waxa uu yidhi  “Xalay (Habeen hore )  sidii uu u hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Xuseen sidaas ayey xaqiiqadu naga tahay, waana nin Xisbi Mucaarid ah hogaamiya oo wax aanu ka mideysanahay ayuu ku yidhi gooni isku taaga kaayagii mucaaridka ahaa waa kaas oo waanu ka mideysanaaya  oo ninka hadlaya iyo ninka aamusan labaduba waa ay ka mideysan yihiin Somaliland,waxana aan kaga baxayaa Ingiriisoow ha moodin  ninkaaga Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ku jira iyo kaaga kale intiinuba idinka ayaa Somaliland cagta ku haya ee dhibaato yeynaan kala korodhsan oo aynaan kala dhiman oo xaafad Ingiriis ah ayaan isku wadnay balse idinka ayaa Mareykanka nagu dirayaa iyo inta kaleba oo dawlad waliba dalkii ay gumeysan jirtay iyada ayaa xanaanisa ee hadii aanad na xanaanineynin naga daa cagta aad Ictiraafkayga ku hayso iyo dawlada aad gudahayaga ka dhex dhisayso oo isku dirka naga daa xaqiiqadii ku ogaanaaye”




Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe )  ugu dambeyntii waxa uu intaas raaciyey “Somaliland-na waxa aan ku leeyahay Somaliland eey yaan lagu furfurin oo gobanimadaada Sheeko sheeko ha kaga tegin  oo Ilaahay mooyaane cid ina bedeli karta ma jirto oo mid aynu ahaano culimo iyo caamo rag iyo dumar xukuumad iyo shicib golayaasha iyo mucaaridba ninka beydhaana isaga ayuubma baydhay oo isaga ayuumba ceeb qaadaya xukuumaduna qumaati haw dhawaaqdo oo hadal cad hawdhiibto Ingiriiska oo waxba dawladdaha kale u sheegan meyno ii isaga ayaa fidnada hogaaminaaya,umaddana waxa aan leeyahay walaalayaal aad ula hadla hadii ay xukuumadda tahay iyo hadii ay wasiiradda tahay oo halka xaajo inaga joogto dee cadaan u sheega oo si cad u hadla”




Sources by Wargeyska SAXANSAXO




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil (Mr Hudle)




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland