Thursday, August 28, 2014

Col. Bare Hiiraale oo oggolaaday dib u heshiisiinta Jubbaland


 barre-hiiraale(1)Kismaayo(GNA)-Wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya, xubno ka socda Jubba iyo odoyaasha Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Col. Barre Hiraale ku qanciyey inuu ka qayb-galo shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka oo dhacaya bisha dambe.




Kulan ka dhacay deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ayey ka soo baxeen natiijada, sida ay shaaciyeen guddiga dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo saxaafadda la hadlay.




Madaxa dib u heshiisiinta maamulka Jubba Cabdi Beeley wuxuu sheegay in Bare hiiraale uu oggolaaday inuu ka qayb-galo shirka bisha dambe ee September ka dhici doona Kismaayo, kaas oo la doonayo in lagu dhameeyo xiisada collaada ah.




Ciidamada Col. Bare ayaa la filayaa in dhowaan la soo xereeyo oo ay qayb ka noqdaan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.




In ka badan sanad ayaa Bare Hiiraale uu ku jiray deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubba hoose, isagoo ka soo horjeeday siyaasadda iyo jiritaanka maamulka uu horkoco Axmed Maxamed Islaan Madoobe.




Saraakiil ka tirsan kuwa Col. Bare ayaa xalay ku hoyday magaalada Kismaayo, iyagoo u kuur-gelaya meesha la dejin doono iyo qorshaha guud ee la damacsan yahay, wuxuuna aqbalay daddaalada ay wadaan dowladda Soomaaliya, IGAD iyo Jubbaland.