Thursday, August 28, 2014

Kitale: Adeegga Korantada oo maalintii labaad ka go’an Xaafadaha Soomaalida


elec




Kitale(GNA)-Koronto la'aan ayaa ka jirta labo xafadood oo kamid ah  magalada kitale ee dalka Kenya.




Xafadahan ayaa kala ah Section six iyo section nineteen, kuwaasoo ay  somalidu ka dagen tahay magalada kitale.




Sharmaarke Aw-cali oo ka mida Bulshada Soomaalida ah ee xaafadahan degen ayaa Warbahinta Gobanimonews u sheegay inaanay mudo labo maalin ah koronto la'aan ka jirto labadan xafadood sababo an lagaranayn.




 Shaqaalaha shirkada korontada ee kenya power light ayaa inta badan musuq masuq kula kaca dadka shacabka ah ee ay adeegyada u qabtaan.




Dhawaan ayay ahayd markii xaafado ka mid ah magaalada Nairobi Korantadu ka go’day si ku meel gaar ah, taasoo ka timi balaadhin lagu samaynayay Korantada.




 Abdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com