Wednesday, August 27, 2014

War Dag Dag Ah: 3 Diyaaradood Oo Soo Caga Dhigtay Maanta Madaarka Buuhoodle iyo Dareeno Ku Xeeran


[caption id="attachment_93942" align="alignleft" width="225"]bhGaroonka Diyaaradaha buuhoodle[/caption]Buuhoodle(GNA)-Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Ismaacil Mire Aripot Ee  Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta G/Cayn .Soo Caga Dhigtay Sadex Diyaaradood Oo Waday Wafuud Ka Kala Timid Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somaliya iyo Magaalada Neyrobi Ee Dalka Kenya .




Waxaana Waftigani Isugu Jiraan Masuuliyiin Katirsan Doowlada Faderaalka Somaliya Oo Ka Kooban Wasiiro iyo Xobno Kamida Barlamaanka Somaliya.




Sidoo Kale Waxaa iyaguna Diyaarad Gaar Ah Ku Yimid Wafti Uu Horkacayo Dr Cali Ciise Abdi Oo Ah Gudoomiyaha Golaha G6 Oo Ah Golihii Intaan Khaatumo Lagu Dhawaaqin Lagu Dhisay Dalka Dibadiisa .




bhb




Sida ay Tibaaxayaan wararka Gobanimonews ka heshay Magaalada Buuhoodle ayaa Sidoo Kale Sheegaya in ay Isla Garoonka Soo Caga Dhigatay Diyaaradii Sadexaad Oo Wada Wafti Isimo Ah Oo Ka Soo Jeeda G/Bay iyo Bakool.




Waxaa Kale Oo Wararku Intaasi Ku Darayaan In Ay iyana Socod Dhulka Ah Ay Ku Yimaadeen Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlad Deegaanka Somalida itoobiya.




Ujeedada Wafuudahan Kala Gadisan Ee Ku Soo Qul Qualaya Magaalada Buuhoodle Ayaa Ku Aadan Sidii Ay Uga Qaybgali Lahaayeen Caleema Saarka Madaxweynaha Khaatumo Ee Dhawaan Lagaga Dhawaaqay Deegaanka Saaxdheer Ee Ka Tirsan G/Sool Oo Lagu Wado In Maalinka Bari Ah Ay Ka Qabsiinto Xaflada Caleemo Saarka Galaydh.




nhn




Ma Jirto Wax Warar Ah Oo Kasoo Baxay Masuuliyiinta Xumuukamda Somaliland Oo Ku Aadan Wufuudahan iyo Qaban Qaabada Caleemo Saarka Galaydh, Waxase u Muuqataa in ay Xukuumadu Raali Ka Tahay inay Maamul Yagleeshaan Dadka Ku Dhaqan Deegaanada Sool Sanaag Bari iyo Buuhoodle Oo Mudo Dheer Ay Xukuumadu Cadaadis Ku Haysay Qaar Kamida Siyaasiyiinta Deegaanadaana Ay Ku Soo Xero Galisay Inay wax ka Qabtaan Xalinta Siyaasada Guracan Ee Qaran Dumiska Ku Ah Soamliland Ee Ay Wadan Siyaasiniinta Kale oo ka Soo Jeeda Deegaanadaas.