Monday, August 25, 2014

Dad cadhaysan oo Baydhabo ku gubay Sawirada Raysal-wasaare C/wali iyo N. Kay Fagaare


 


Hal qof oo ku dhintay rasaas Ciidanku ku rideen mudaharadeyaasha...Daawo Sawirrada..





MudarahaadBaydhabo(GNA)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay rasaas ciidanka Bilayska Magaalada baydhabo ku fureen Dibad-baxayaal isugu soo uruuray fagaare ku yaalla Magaalada.




Dadka dibad baxayay ayaa ka soo horjeeda imaanshiyaha Wefti ay hogaaminayaan reysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed iyo Ergeyga QM u qaabilsan Somaliya Nickolas Kay oo booqasho ku iman lahaa.




Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay hadalo la dhan ah Dawladda Federaalka, waxaanay goob fagaare ah ku gubeen sawirrada Reysal-wasaaraha iyo Nickolas Kay, oo ay ku eeddeeyeen inay caqabad ku yihiin rabitaanka Siyaasaddeed ee dadka Gobolka.




Dadka Mudaharaadka dhigay ayaa taageersan Maamulka lixda Gobol ee dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada, kaasoo ay aqoonsan wayday dawladda Federaalku. Mudaharaadeyaal




Waxa la isku raacsanyahay inay dibadbaxan  soo qaban-qaabiyeen taageerayaasha maamulka lixda gobol ee halkaas looga dhawaaqay dhowaan kaasoo uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed.




Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dhawaan Xukuumaddu ku dhawaaqday Guddi qaran oo si farsamo uga hawl-geli doonta maamul u samaynta gobollada dhawaan labada Maamul ee isdiidan looga dhawaaqay.




Guddidan ayaa lagu curiyay heshiis saddex geesooda oo ay dawladda Soomaaliya qayb ka tahay, kaasoo ay saxeexeen ergooyin kala metelaya Maamuladii iska soo horjeeday.Mudaharaadeyaal




Gobanimonews




Baydhabo Office




Email: editor@gobanimonews.com