Friday, August 29, 2014

Kessler Ku Guulaysatay Abaal marinta Ciyaaryahanada Ugu Fiican Qaarada Yurub


Nadine Kessler ayaa ku guulaysatay abaal marinta xidigada haweenka kubada cagta ee qaarada Yurub ee xili ciyaareedka 2013/14 kagana adkaatay hablaha ay u wada ciyaaraan kooxda VfL Wolfsburg ee kala ah Nilla Fischer iyo Martina Müller.




Nadine-Kessler-655x360




Kessler oo ka heshay ay u codeeyeen baddi wariyeyaashii codkooda dhiibtay ee doorashada haweenka kubada cagta qaarada Yurub , ayaa abaal marinta ka gudoontay, Madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta qaarada Yurub, Michael Platini xafladii caawa fiidkii ka dhacday magaalada Monaco.




 




Kadib markii farta laga saaray bilada ay hanatay , Nadine Kessler waxa lagu marti qaaday cod baahiyeyaha si ay kalmadeeda u tidhaahdo , waxaanay tidhi sidan: “Shucuur weyn ayay ii samaynaysaa ku guulaysiga abaal marintani, waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo ciyaaryahanadii aanu isku kooxda nahay iyo kooxda kooxda ka sii dambeysa ” Tageerayaasha.”