Monday, August 25, 2014

Al-shabaab oo laga qabsaday Degmadii u dambeysay ee Gobolka Bakool


Tiyeeglow(GNA)-Milateriga soomaaliya iyo Amisom ayaa la wareegay degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool,sida ay dadka deegaanku sheegeen.




Milateriga Dawladda ayaa la sheegay inaanay wax iska caabina  kula galay Xooggaga Alshabaab ee  halkaasi laga qabsaday.




Wali wax Faahfaahina dheeraada lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay, hase ahaatee goob-joogeyaal warbaahinta u waramay ayaa sheegay in khasaare soo gaarey labada dhinacba.




Guddoomiyaha degmada Xuddur, Maxamed Macallin ayaa  sheegay in ciidamada isbahaysanayay ay degmada qabsadeen iyagoo aan wax dagaal ah kala kulmin Al-shabaab, isagoo sheegay inay degaannadaas ka baxeen markii ciidanku ay ku dhawaadeen.




 “Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay si dhib yar Al-shabaab kaga saaraan Tiyeegloow iyo deegaanno ku dhow, kuwaasoo ay kooxda nabad-diidka ah gacanta ku haysay,” ayuu yiri Macallin.




Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay kuwo ay ku doonayaan inay gobolka oo dhan kaga saaraan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox dhibaatooyin iyo dagaallo kawadda gobolka.




Dad badan ayaa ka baro-kacay Magaaladan, kaddib markii ay gudaha u galeen ciidanka la wareegay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee kala qabsaday degmadan oo ah tii ugu dambeysay ee gacanta shabaab kaga hartay Degmooyinka Gobolka.




Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa hada ku sugan shanta degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Bakool,sida ay ku warantay mareeg Gobolka laga leeyahay .




 Alshabaab ayaa horey looga qabsaday Rabdhuure, Xudur oo xarunta gobolka ah, Ceel-barde iyo  Waajid.




Muhiimada Tiyeeglow




Sida laga war qabo Gobolka bakool waxa uu ka mid yahay meelaha ay saameysay abaarta ka jirta Gobollada Soomaaliya, isla markaana qaylo dhaantu ka soo yeeraysay.




Duruufo bibo aadanimo oo ka jiray deegaanka ayaa heli doona gurmad deg dega oo ku aadan abaarta iyo biyo la’aanta.




Dawladda Soomaaliya ayaa ku celcelisay inay muhiim tahay in la suggo amniga deegaamada dhibtu ka jirto si loo gaarsiiyo gargaar deg deg ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com