Friday, August 29, 2014

Xeerilaalinta Gobolka Saaxil Waxay U Baahantahay Gaadiid’… Guddoomiye Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Saaxil


 Xukuumadda Somaliland Waxaanu Ka Codsanaynaa In Naloo Dhiso Xafiisyo aanu Ku Shaqayno’




 




Berbera(GNA)-Guddoomiye ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka Saaxil Mudane Jaamac Ducaale Siciid  ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay xafiiska xeer illaalinta ee gobolka Saaxil  muddadii uu xilka hayay, waxaanu sheegay in ay soo af-jareen kiisas badan oo isugu jiray dacwadaha Kufsiga ciqaabta guud ,Tuugada iyo kuwa madaniga ah.




 




Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Saaxil, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu kula yeelanay barnaamijka Gar iyo Garsoor ee wargeyska DAWAN, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xafiiska xeer ilaaliyaha gobolku shaqada uu bulshada  u qabtaa waa mid ballaadhan. Waxaana la odhan karaa waa shaqada ugu xasaasisan ee qof bani-aadam ahi ka shaqayn karo. Mararka qaarkood xeer ilaaliyaha kiiska aanu u dhiibnay isaga dhibaato ayaa ka hortimaada, isaga laftigiisa ayay dhibaato ku tahay.




 waxa kale oo uu intaa ku daray “Dacwadaha aanu qaadnaa waxay u qaybsamaan madani iyo ciqaab, waxaan rabaa in aan maanta halkan kaga hadlo dacwada ciqaabta, dacwada ciqaabta ahina waxa ay u dhaxaysaa laba dhinac, oo dhinacna yahay dhibane dhinca yahay eedaysane.”




 “Haddii aan ka hadlo dhinaca eedaysanaha ah, horta qofka eedaysanaha ahi waa qof loo soo xidhay in uu ku xadgudbay qodob xeerka ciqaabta ee xeerka qaranka ka mid ah, eedaysanuhuna waa dambi laawe ilaa uu ku dhaco xukun maxkamadeed oo ay kaxkamada horteeda kaga caddaato dambigii lagu soo xidhay.” Ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamada degmada Laascaanood.




 




Mar uu ka  hadlayey xeer ilaaliyahu“Kiisaska ugu badan ee  had iyo jeer soo mara xeer ilaalinta gobolka Saaxil  iyo qaabka ay u xaliyaan waxa uu yidhi.“Kiisaska ugu badan ee had iyo jeer aanu la kulanaa ama xeer ilaalin  ahaan aanu ka garsoornaa waa kiisaska Ciqaabta oo ay ugu horayso kiisaska kufsiga iyo tuuganimada




 




Sidoo kale waxa uu sharaxay tiradda kiisaska soo maray sannadkan,isla markaana uu  ka garnaqday xafiiska xeer ilaalinta gobolka Saaxil iyo waliba noocyada kiisaska ay fuliyeen waxa uu yidhi. “Tirada Dacwadaha sannadkan soo galay xafiiska xeer ilaalinta gobolka Saaxil,waa 196 Kiis oo iskugu jira Ciqaab, Tuugo, Kufsi, Madani iyo waliba kuwo Dil ah waxaanay u fuleen sidan: 60 kiis waa la xukumay 120 waa laga heshiiyey 12 kiisna waa ay  taaganyiin 4 kiisna waxba waa lagu waayey




 Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha gobolka Saaxil Jaamac ayaa sheegay in shaqada ay bulshada  u hayaan ay tahay ta ugu dhibka badan ee laga shaqeeyo , isla markaana xafiiska xeer ilaalinta gobolku uu masuul ka yahay waxyaabaha dunuubaha ah ee  dalka ka dhaca.




 Jaamac Ducaale oo ka hadlayey baahiya adeeg iyo caqabada noogu weyn ee na hortaagani shaqadooda waxa uu yidhi. “waxa na haysta baahi adeeg oo waxa nahaysta Xafiis la,aan Gaadiid la,aan qalab la’aan,oo ma haysano wax gaadiid ah oo aanu raacno ama ku fulino hawlaha shaqo ee qaranku noo igmaday  xukuumaddu umay  samaysay ilaa hada wax dhismayaal ah oo u gaar ah xeer ilaalintu maxaa yeelay ilaa markii la furay iyo ilaa maanta waxa aanu ku shaqaynaa laba qol oo yar yar.




 Xeer ILaaliyayaasha dalku  waxay u baahanyihiin In Loo Sameeyo gaadiid qaada iyo dhismayaal dabooli kara baaxadda shaqada iyo adeegyada ay ummadda u hayaan oo Runtii ah kuwo aad u xaasxaasi ah markaa waxaan leeyahay  Agaasimayaasha iyo wasiirada marka la magacaabo waata markiiba loo iibo Baabuurkii waa maxay sababta kuwii dadka u garnaqayey ee igu dhibta godobta  badnaa u waayeen wax ay raacan.




 Xeer ilaalintu waxa ay intaasi ku dartay oo ay soo jeedisay in garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha loo sameeyo gaadiid ay raacaan ,inta Agaasimayaal aan gar qaadin loo iibinaayo baabuurta  taas oo aan qabo in ay iyagu yihiin cida kaliya ee mudan ama xaq u leh in loo sameeyo gaadiid iyo ciidamo u gaar ah.




 Xeer ilaaliyaha waxa kale oo  bulshada reer Somaliland ku boorriyay in ay iska ilaaliyaan bixinta laaluushka waxaanu yidhi  ”Runtii ma jiro qof xeer ilaaliye ah ama looyar kugu qasbay inaad aduun bixiso oo ku baayacayaana ma jiro,garsoorahuna waxa uu halkan u fadhiyaa waxa weeye in uu  cadaalad ummadda ugu adeego qalinkiisana waxa ka wayn qalinka ALLEH garina laba nin kama wada qosliso oo mid uunbaa laga guulaysanayaa laakiin wax alaale iyo wax alaale iyo wax laaluush ah oo la qaataa ma jiro ee qofkaa marka uu waayo waxa uu doonaayo war ka dhiganaaya in la laaluushay garsoorayaashii.”




 Cadaaladu kuma sugnaato suuqa oo laga yidhaado cadaalad’daro ayaa laygu xukumay, ee waxay ku sugnaataa inuu qofku maro nidaamka kala sareeya ee maxkamadaha, saddexda garood ee ka bilaamaaya maxkamada gobalka, rafcaanka, ta sarena ku danbaynaaya waxii halkaas ku dhamaaday waa cadaalad allena waxii diin muuqda xukuma ayuu yidhi, waana in lagu qancaa.




  “Bulshada waxaan leeyahay, wallaalayaal haddii aad aragtaan cid laaluush idin waydiisa haqarinina ee soo dacwooda oo kashif, laakiin been ha naga sheegina, waxa kale oo aan leeyahay marka laba qof loo gar naqo, waar gari laba qof kama wada qoslisee, war kiina tirsada in caddaalad darro laga marayoow, waxaad xaq u leedahay in aad farcaan qaadato, oo bal arag in caddaalad darro lagaa maray, laakiin dacaayada raqiiska ah naga daaya.” Ayuu ydihi Jaamac Ducaale Siciid




 




 




 




 




“Maxkamadaha wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa, haddii qofka la soo eedeeyo, oo dambi macquul ah lagu soo eedeeyo, aartikal 49, haddii qofkaa la eedayn karo way qaadanaysaa, haddii ay u arki waydana way is hortaagaysaa, aniguna inta aanay maxkamad u gudbin ayaan hubiyaa, kiiskani ma cadyahay, qofkan maxkmad ma la gayn karaa, dhibane ma jiraa, eedaysane kan ma yahay, makhraati ma loo hayaa, isagu ma qirsan yahay, marka aad wax nadiif ah u geyso maxkamada is ba qaban maysaan.




Haddii kiis kiis ay dhacdo in aan is idhaahdo dambi cad ayaa la sii daayay ambiil ayaan ka qaataa, maantan aan kula hadlayo waxaanu ku jirnay kiis tuugo ah, saddex nin ayaa kiiska ku eedaysnaa, laba nina waa la xukumay ninna waa la sii daayay oo waxba way ku cadaan waayeen maxkamaduna way sii daysay raali ayaan ka noqday, sababta oo ah waan arkayay in aan wax cad lagu haynin ee ay tuhun u badan tahay wixiisu.”




 Xeer ilaaliyaha oo la waydiiyay in mararka qaar ay dhacdo dad la soo xidhay oo ay cidii xidhayba ka daba iman waydo ama la garan waayo cid soo xidhay waxa uu ku jawaabay “Kiisasku waa laba nooc, kiis waa hubaal, tusaale ahaan qof baa dhaawac gaadhayaa, dhakhtarbaa la geynayaa, bilo ayuu ku jiraayaa, dhaawacaas oo kale ayaa raagaya oo bogsan waayaya, taas oo kale waxaa jira qodobo banaynaya in damiin laga qaado, markaa midi waa noocaas oo duruufahaas ayaa keena, laakiin dacwadaha ciqaabta ah marka maxkamada la geliyo waxyaabaha dib u dhaca ku keeni karaa way  yaryihiin, waa iyada oo hore markhaati loo waayo, markaa haddii uu raagana waa duruufo la xidhiidha maraga.”




 Xeeri ilaaliyuhu gabagabadii barnaamijka waxa uu fariin hogotusaale ah u diray bulsho waynta reer Somaliland waxaanu yidhi “Dadka aanu u adeegno waxaan gaadhsiinayaa in qof kastaa uu caddaalada ilaaliyo, oo uu amniga ilaaliyo haddii aan amniga la wada ilaalin waxba ma hagaagayaan , qof kasta oo muwaadin ahina in uu soo sheego wixii dhacaya ee uu argo, qof kasta oo muwaadin ah qaynuunka ayaa amraya in uu soo sheego wixii dambi ah ee dhacaya oo uu u soo sheego booliska iyo hay’addaha sharciga, isla markaana booliska gacan lagu siiyo baadhista dambiyada, si dambiyada looga hortago.  Iyaguna wixii ay ka cabanayaan, hay’adda ayaa la sameeyay la yidhaahdo daba galka, xeer ilaaliyayaasha iyo guddoomiyayaasha rafcaanada ayaa la yidhi daba gala kuwa idinka hooseeya, markaa ha u soo gudbiyaan wixii cabasho ah.”