Sunday, August 24, 2014

Di Maria Iyo Khadira Oo Toddobaadkan Ka Tegaya Real Madrid


Maalintii khamiistii ee toddobaadkii hore waxa dhacday calaamaddii ugu dambaysay ee muujinaysay in labada ciyaaryahan ee Angel Di Maria iyo Sami Khadira ay ka tegayaan kooxdooda Real Madrid, kadib markii ay cadho kaga baxeen garoonka tababarka ee kooxdaas.




dimaria_khedira




Labadan ciyaaryahan ayaa markii hore lagu daray liiska 22 laacib oo u safraya garoonka Calderon ee Atletico Madrid, laakiin markii dambe ayaa iyaga oo garoonka tababarka ku jira waxa ay ogaadeen in laga reebay liiskaas, waxaanay hadallo kulul dhex mareen ciyaartooyadan iyo macallimiinta tababarka.




Di Maria iyo Khadira ayaa intaa kadib garoonka isaga baxay, waxaana la xaqiijiyey in uu Sami Khadira diyaarad u raacay dalkiisa Germany si uu u soo daawado walaalkii oo ciyaarayay. Arrinta xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in laacibkan khadka dhexe aanu fasax ka qaadannin kooxdiisa balse ay ku war heleen uun isagoo wadanka Spain aan joogin.




Dhinaca Di Maria, waxa uu isaguna iska tegay gurigiisa inta uu ka baxay garoonka isaga oo faraha taag-taagaya, waxaanu u tegay qoyskiisa oo uu la joogay illaa Jimcihii.




Hase yeeshee, labadan xiddigba waxa ay kooxda ku soo laabteen maanta oo Sabti ah, waxaanay bilaabeen tababarka in ay la qaataan xiddigaha kale ee Los Blancos.