Sunday, August 31, 2014

Dhacdo maanta Hogaaminta Siilaanyo Taariikhda u gashay iyo sababta keentay


Shakhsiyadda Wasiirka Kalsoonida Baarlamanka waayay maanta iyo saameynta ay ku yeelanayso xukuumadda. Xog iyo falanqayn..




[caption id="attachment_94164" align="alignleft" width="259"]Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay[/caption] Hargeysa(GNA)-Golaha Baarlamanka la soo doorto ee Wakiillada, Somaliland ayaa kalsoonida ansixinta u diiday Wasiirka Xidhiidhka oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.




Cali Xaamud Jibriil ayaa fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta ay ahayd in lagu ansixiyo wasiirnimadiisa, hase ahaatee waxa uu xildhibaanada kala kulmay kalsooni daro, kaddib markii 2/3, mudaneyaashii fadhiga ka soo xaadiray waxna diideen, qaybina ka aamustay.




Fadhiga ayaa waxa ka soo xaadiray 45 mudane, waxaana shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax.




Wasiirka ayaa ka hor intii aan codka loo qaadin warbixin ka horjeediyay Golaha, iyadoo C.V-giisa aqooneed uu  mudaneyaasha u akhriyay Xoghayaha goluhu.




Kaddib markuu warbixinta jeediyay ayaa cod loo qaaday, waxaana ogolaaday 19 Xildhibaan, 5 ayaa diiday, 20 kalena way ka aamuseen, taasoo mugdi gelisay ansaxnimada xilka loo magacaabay , sababtayna in dib loogu celiyo cod u qaadistiisa, faq iyo wada hadal xildhibaanadii taageersanaa, kuwii ka aamusay iyo shir-guddoonka dhex maray.




Markii labaad ee loogu celiyay cod siinta, ayuu si la  mid sidii hore, u waayay kalsoonida mudaneyaashii hore u diiday iyo kuwii ka aamusay.




“Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka cusub ee xidhiidhka Goleyaasha waxa u codeeyay 19 mudane, 20 ayaa ka aamusay, 5 ayaa diiday, guddoomiyuhuna muu codeyn”. sidaasi waxa fadhiga markii labaad kaga dhawaaqay Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayay kulanka.




“sidaas ayaanu ku ansaxay”ayuu sidii yidhi Baashe.[caption id="attachment_94164" align="alignleft" width="259"]calisaaa Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay[/caption]




 




 



natiijo taariikhda gashay 




Arrintaas ayaa dood sharci dhalisay, dhanka kalena laf dhuun gashay ku noqotay Wasiirnimada Cali Xaamud Jibriil oo mar ahaa Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Xukuumadda Siilaanyo, balse inta laga qaaday sanadkii 2013-dii, hadana bishii la soo dhaafay dib loogu magacaabay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha.




Laguma celin Madaxweynaha, waxa shirguddoonka Goluhu ku dhawaaqay inuu 19 cod ku ansaxay, waxaanay taas dadka qaarkii leeyihiin “waa Xaaraan”. Kuwo kalena waxay ku sheegayaan arrin sax.




“waxba ansaxnimadiisa iyo ansax la’aantiisu sheegi mayso, laakiinse waxa ku dhacay nabar xun”ayuu yidhi falanqeeye ka faalooda arrimaha siyaasadda oo Gobanimonews la hadlay.




Dhacdadan ayaa ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo hay’adda Xeer-dejinta uu kala kulmo Wasiir xil loo soo magacaabay, taasoo marka hoos loogu daadego sumcad xumo weyn ku ah Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, siiba aqalka madaxtooyada ee laga soo magacaabay.




Wasiir Cali Xaamud Jibriil, hada ma haysto sumcad wasiirnimo, waxaanu ku fashilmay golaha shacbiga hortooda, oo uu markii labaad soo istaagay isagoo xil loo soo magacaabay, sidaa waxa aamisan khubarada siyaasadda.




waa kuma Cali?




Ninkani waa xubin ku cusub saaxada Siyaasadda ee Somaliland oo ka mid ah dadkii la kowsaday xukuumada talada haysa, waana nin dhalinyaro ah oo kalsooni ka haysta Madaxweyne ku-xigeenka oo dalka oo ay xidhiidh saaxiibtinimo ka dhexeeyeen Aabihii Xaamud Jibriil.




Sida uu sheegay mid ka mida Dadka aqoonta u leh Wasiirka “Saylici wuxuu u shaqayn jiray cali Aabihii”ayuu yidhi aqoonyahan arrintan ka dood ka dhiibtay.




Isagoo lahayn tix-raac siyaasaddeed oo aqoonin, ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiyad aan  masuuliyadda loo dhiibay ku wanaagsanayn, isla markaana fuddayd badani ku jiro.




Arrinta kale ee taas wehelisaa waxa weeye, sanadkii hore markuu siilaanyo xilka ka qaaday waxa uu ku sababeeyay xil gudasho la’aan “kaddib markii aad ka gaabisay gudashada xilkaad qaranka u haysay waxaan go’aansaday inaan kaa qaado. Hadana mar kale ayuu madaxweynuhu yidhi kaddib markaan ku qancay kartidaada shaqo waxaan kuu magacaabay Wasiir, markaa labadaa digreeto iyamaanu rumaysanaa”.sidaasna magacaabista cali kaga dooday aqoonyahan khabiir ku ah arrimaha maamulka iyo siyaasadda.




Si kastaba ha ahaatee waji gabaxan ku dhacay Masuulkan madaxweynuhu wasiirka u magacaabay oo saamaynaya golaha Xukuumadda oo dhan, ayaa haddii la miisaamo, fashil ku ah xulashada madaxweynaha ee dadka uu xilalka u magacaabayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com