Wednesday, August 27, 2014

Maxamed iyo Yaasmiin: Gacal iyo Sokeeyeba guurkiina lagu farax


Munaasibad Meher ah oo kulmisay Haldoor




[caption id="attachment_93925" align="alignleft" width="224"]Muuqaalka Marti sharaftii madashada ka qayb galay Muuqaalka Marti sharaftii madashada ka qayb galay[/caption]Hargeysa-(GNA)- Wasiir Ku Xigeenka Wasaarad Warfaafinta Mudane C/waaxid cabdiraxmaan Cabdi Qaadi. ayaa maanta ka qayb galay Munaasibadda Meherkii Qarniga Somaliland,isla markaana kulmiyey holdoorka wadanka,lagu soo doonay Marwo Yaasmiin Muuse Xasan Abokor oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda waraafinta iyo dhaqanka waxaana madashaasi ku wehelinaayey wasiir Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee warfaafinta Mudane Maxamed Aadan Ilkacase, qaar ka mid ah shaqaalihiisa iyo waliba hal-doorka labada dhinac ee kala guursaday




Xafladdan oo ka dhacday Huteel  Maansoor ee Magaaladda Hargeysa,isla markaana ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay kana soo qayb galeen masuuliyiin fara badan oo iskugu jirta siyaasiin,Salaadiin,hogaamiye dhaqameedyo iyo mujaahidiin wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta Mujaahdi Axmed Saysa-cade, ,Salaadiin,Madax-dhaqameedka-Cuqaasha,Waxgaradka,  dhalinyarada,aqoonyahanka iyo Dhamaanba Haldoorka kala guursaday.




Waxaana Sidii Soomalidu ku Caan baxday, kuna Qotontay Diinteena Suuban, si Gacltooyo iyo kala raali ahaansho ay ku dheehan tahay laysu waydiistay laysuna siiyey lamaanaha  is doortay Isla markaana  Gacmaha laysku dhaafsaday laguna kala Gudoomay, sidii Caadadu ahayd Sooryo Qaran iyo Gabaati Gobeed.




Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta oo xafladaasi ka haday ayaa hadalo soo dhawayn ku qaabilay dhinacyada kala gudoomayey reerka cusub,waxaana uu hadalo Duco iyo Dardaaran iskugu jira halkaasi uga jeediyey qoysaska cusub ee is guursaday,waxaana uu tilmaamay in Yaasmiin daah fur u tahay dhinac guurka hablaha maxaa yeelay wal xaga raga ayuunbaa nagu badnaan jiray.




 “Runtii waxaan halkan doonayaa inaan ka hambalyeeyo,isla markaana uga Duceeyo xafladda meherka  Yaasiin Xasan Abokor oo  ka mid ah shaqaalahayaga wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland, oo maanta loo fadhiyo doonisteeda  ayaa waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu ka dhigo reerkii lagu nasto ee lagu nagaado ubad khayr qabana kala hela,Yaasmiin waxay daah fur u noqotay dhinac guurka hablaha maxaa yeelay wal xaga raga ayuunbaa nagu badnaan jiray.




Waxaana uu intaasi ku daray wasiirku oo uu yidhi. “Waxaana aan jecelahay inaan mid xasuusiyo qoladda nala soo xididay ee ninta naga doonaysa una sheegayaa yaasmiin waa qof aad noogu wayn oo nagu qaali ah markaa waxaanu kaa codsanaynaa inaad  ilaaliso oo aad si wanaagsan u dhaqdo




Dhanka kale waxa isaguna halkaasi hadal kaftan iyo duco ah ka jeediyey munaasibadaasi  meherka  ah Mujaahdi Axmed Saysa-cade oo ka mid ahaa mujaahidiintii waawaynaa ee S.N.M




Madashan  laysku gu Guurinaayey lamaaanahan is is Calmaday oo ahayd mid qaab-maamuuskeedu aad u qurux badnaa ayaa waxa Masuuliyiintii iyo marti saraftii tirade badnayd ee meesha iskugu timi ay si siman ugu Hambalyeeyeen,uguna duceeyeen Qoyska cusub ee soo kordhay  Boqorka Maxamed Cabdilaahi Nuur Iyo Marwadiisa Cusub Yaasiin Muuse Xasan




Gabagabadii waxay Alle uga baryeen inay Guul ka gaadhaan Hadafkooda Nololeed kuwii ku noolaada farxad,Guul iyo barwaaqo Ubad kheyr-qabana kala hela, gurigii lagu nastee lagu nagu nagaado Raboow ka yeel. Ameen .....




Sidoo kale Bahda Gobanimonews waxa ay Hambalyo kal iyo lab ah u dirayaan lamaanaha Maxamed Cabdilaahi Nuur iyo Yaasmiin Muuse ee maanta meherkoodu dhacay.




Waxaannay leeyihiin noqda labadii aqal galkooda ku gaadha bash-bash, barwaaqo iyo badhaadhe.




Aamin.........aamin .........aaamin




By..Axmed Macalin Maxamuud