Sunday, August 24, 2014

Layaab: Khalkhal Ka Taagan Cidda Marti gelinaysa Koobka Afrika


Xidhiidhka kubadda cagta Afrika (CAF) ayaa madax xanuun ka qaaday ciddii martigelin lahayd koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee qorshaysan sannadka 2017, kaas oo hore loo shaaciyey in Libya lagu qaban doono, laakiin marxaladda wadankaasi ku sugan yahay ay meesha ka saartay.




447922_heroa-500x346




Dalka ay dagaalladu sida ba’an u burburiyeen ee Libya ayaa ku hammiyayey in uu martigeliyo koobka qaaradda Afrika, waxaana sida uu qorshuhu ahaa ay waddamada qaaraddu u xadhko xidhan lahaayeen in ay u duulaan dalka Woqooyiga Afrika, laakiin dagaallada sokeeye ee ka socda iyo degenaansho la’aanta ayaa khasab ka dhigtay in mar kale ay dib u dhacdo martigelintii Libya ee qorshaysnayd.




Libya ayaa lagu waday in ay hoy u noqoto waddamada Afrika ee ku tartamaya Africa Cup Of Nations sannadka 2017, laakiin waxa markii labaad muddo saddex sannadood gudahood ah dib u dhacday martigelintii ay ku talo gashay Libya, kadib markii ay dagaalladu istaagi waayeen.




Sannadkii 2013 ayuu qorshuhu ahaa in Libya ay martigeliso koobka Afrika iyadoo sannadkii 2011 la isku raacay in dalkaasi martigelinta qaato koobkaas, laakiin xasillooni darrada aan joogsiga lahayn ayaa ku khasabtay xidhiidhka qaaradda Afrika in ay raadiyaan dal kale. Dalka Koonfur Afrika oo qorshuhu ahaa in sannadka 2017 uu martigeliyo koobka adduunka ayaa 2013 lagu qabtay koobka, iyadoo la soo qaddimay wakhtigiisii, waxaana markaas heshiisku ahaa in Libya wakhtigeedu noqdo 2017.




War-saxaafadeed uu Sabtidii maanta oso saaray xidhiidhka Afrika oo uu ku saxeexnaa Issa Hayatou, ayaa lagu sheegay in saraakiil Libyan ah iyo xidhiidhku ay kulmeen, kadibna la isku waafaqay in sannadka 2017 laga beddelo Libya martigelinta koobka Afrika.




War-saxaafadeedka oo lagu baahiyey barta internetka ee CAF, ayaa waxa ay u dhignayd sidan:




“Qaabaynta martigelinta tartanka waxaa lagu samayn doonaa sharciga xaaladdaha ee CAF, khaasatan qodobbada 27 illaa 47, ee sharciga CAF. Xafiiska guud ee CAF ee magaalada Qaahira ayaa codsiyada lagu soo xarayn doonaa inta ka horraysa maalinta Salaasada ee September 30, 2014.”




Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in guddida fulinta ee ay go’aan ka gaadhi doonaan waddanka loo xuli doono martigelinta koobka Afrika, iyada oo la eegayo adeegyada ay bixin karayaan iyo sida ay ugu fududayn karayaan ciyaartooyada adeegyada ay u baahan yihiin sida gaadiidka, hudheellada iyo garoomada tababarka iyo garoomada ciyaaraha ee hore u sii jiray.




Ugu dambayn, waxa lagu dhawaaqi doonaa cidda martigelinaysa koobka qaramada Qaaradda Afrika bilowga sannadka 2016.