[caption id="attachment_93761" align="alignleft" width="300"] Waxgaradka Deegaanka oo ka shiray qool-caday[/caption]Hargaysa (GNA)- Shirwayne Balaadhan oo ay isugu yimaadeen dadka deggen deegaanka qoolcaday iyo madax dhaqameedka deegankaaasi aya waxaa ay halkaasi ka shaaciyeen go’aankoodi ugu danbeeyay ee ku aadan masiirka iyo mustaqbalka Banka Qoolcaday .
Shirwaynahan ayaa waxa uu ku qabsoomay deegaanka qoolcaday waxaana ka soo qeyb galay odayaal iyo madax dhaqameed ay ka mid ahaayeen . Suldaan Cali Baane . Boqor Raabi .Boqor Axmed Iiman . Oday Daarood . Oday Xasan Daahir . Maayirki Hore Ee Salaxley C/Rashiid Macalin Muuse Iyo Odayaal kale oo deegankaasi ka soo jeeda .
Odayaashan iyo madax dhaqameedkan ayaa si isku mid u cadeeyay in aanay marnaba aqbaleen in banka qoolcaday la xidho .
Ugu horeen waxaa ka hadlay shirkan Oday Daarood .Oday Xasan .oday Guray Awcabdi waxaana ay dhamaantood ku dheeraadeen sida ay dhulka Banka aanay uga maarmeen iyagoo carrabka ku adkeeyay in ay dhimasho ka xigaan oo ay ku dagaalamayaan banka haddi ay dawladdu soo fargaliso oo ay damacdo in ay seero ka sameeso waxaana ay ugu danbeenti odayaashan ugu baaqeen xukuumadda in ay faraha kala baxaan banka qoocaday oo ay candhuftooda dib u liqaan.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Maayirki Hore Ee Salaxley C/Rashiid Macalin Muuse ayaa sheegay in xukuumaddu tahli wayday in ay dakeeda fahansiiso waxa ay rabto in ay u qabato isagoo hoosta ka xariiqay in aanay ilaa hadda jirin cid u timmi dadka deeganka oo ku qancisay seerahani isagoo cadeeyay in bulshada ku dhaqan banka qoolcaday aanay rabin in laga xidho seerahan oo ay meel adag ka taaganyihin.
Boqor Axmed Iimaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka mid yihiin dadka dega banka qoolcaday waxaana uu xusay in banka qoolcaday ay kaa faa’idaystaan dhamaan dadka reer Somaliland isagoo xukuumaddana ugu baaqay in ay ka fiirsadaan talabadan ay ku xidhayaan banka qoolcaday .
Waxaa halkaasi ka hadlay Suldaan Cali Baane waxaana uu wacad ku maray in aanay marnaba dhaceen in la xidho banka waxaanu yidhi “ Ninki banka u soo tafaxeednaayo haddi ay ood tahayna lama taaban karo hadday ban tahayna lama taaban karo mid waliba xad ayay leedahay ta kale waar walaalayaal dadkanina nabadgalyo ayay doonayaan dalkeenuna nabadgalyo ayuu doonayaa wax aynu haynaanna nabadgalyaa jirtaa dadku nimco ayuu ku jiraa dawladda diidimayno kamana hor imanayno dawladdu hawsheedu way qabsatay si wanaagsan ayay u shaqeenaysaa waxaanu leenahay midh midhka wax ka yara dhex tuuraya waar de dadka ha laga qabto “ Ayuu Yidhi Suldaan Cali Baane
Waxaa gabogabadi halkaasi ka hadlay Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi waxaana uu sheegay in shirwaynahani uu daaranyahay danta banka dadkanna ay yihiin dad isku dan ah oo degen deegaanka qoolcaday .
Boqorka ayaa sheegay in danta la isugu yimi la xidhiidho banka qoolcaday oo uu sheegay in uu yahay halkii ay ku dhasheen ee awoowyaashood ku dhasheen lana doonayo ayu yidhi in dadka deggen laga barakiciyo waxaana uu intaasi ku daray boqorku in aanay aqbali doonin in la xidho banka qoolcaday
Boqorka waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “ Baaq dheer waxaan ugu diraya cid kastoo somaliland ah cid kastoo ay khusayso haddii ay tahay dawladda haddi ay tahay daneeyayaasha haddi ay tahay kuwa lacagta soo bixiyay ee la leeyahay waa hay’ado haddi ay tahay kuwa gacanta ka geystay waxaan baaq dheer ugu diraya hantidoodu in aanay nagu kalifin in ay dhiig naga daadiso ” Ayuu Ydihi Boqor Raabi
Sidoo kale boqor raabi ayaa hoosta ka xariiqay in aanay rabin dhibaato . xabbad iyo balaayo toona isagoo madaxweynaha iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in laga daayo dhibaatada ,
Boqorka ayaa carabka ku dhuftay oo sheegay in dadka shacabka ah ee degeen deegankani aanay helin adeegyada asaasiga sida dawo .biyo .iwm
Ugu danbeenti Boqorka ayaa cod dheer ku sheegay in ay markay is barbar dhig ku soo sameeyeen mashruucan khasarihiisa iyo faa’idadiisa ay u arkaan in uu khasaare u leeyahay waxaanu yidhi boqorku “ Nimanka la soo adeegsanayo ee ka dhashay beesha ee doonaya in ay hooyadii iyo walaashi uu khiyaameeyo ee leh aynu kala eegno khasaare iyo faa’idadiisa . waanu eegnay khasaare ayay noo noqotay adeer naga daaya dhibaatada “ Ayuu Yidhi Boqor Raabi
Boqorka ayaa tilmaamay in dadka beeshu tashadeen oo ay ku tashadeen in loo daayo bankooda oo faraha looga qaado .
Geesta kale waxaa shirwayanhan taageray qaar ka mida qurbo joogta ka soo jeeda deegaanka oo ay wakiil ka ahaayeen Ismaacil Kirix iyo C/Laahi Muxumed Huriye oo labadooduba iska daba mareen sida ay uga soo hor jeedaan xidhitaanka banka qoolcaday iyagoo sheegay in ay taageersanyihiin talada iyo go’aanka ka soo baxay dadka deegaankaasi u dhashay ee maanta shirwaynaha yeeshay waxaanay ugu danbeenti cod dheer ku sheegeen in la joojiyo mashruuca lagu xidhayo banka qoolcaday