Sunday, August 31, 2014

Ma la gaaray xilligii Nin kasta oo duurka galay iska-soo dhiibi lahaa Xamar, sida Barre?


Barre Hiiraale oo Muqdisho ka degay , isagoo toobad keen ah, ciidankiisiina ku wareejiyay Axmed Madoobe...




barre hiraale iyo RWMuqdisho, 30, August, 2014.(GNA)-Xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudne Cabdullahi Godax Bare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Korneyl Barre Aaden Shire Hiiraale ayaa galabta Muqdisho soo gaaray kaddib markii xal laga gaaray khilaafaadkii ka taagnaa Jubbooyinka, lana xareeyay ciidamaddii banaanka magaalada Kismaayo ku sugnaa ee uu hogaaminayay Col. Barre Hiraale.barre hi iyo reysal 




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Goodax oo saxaafada kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa ku tilmaamay go’aanka Bare Hiiraale qaatay mid wax weyn ku soo kordhinaya dib u heshiisinta gobollada Jubooyinka.




 “Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Barre Hiiraale wuxuu go’aansaday inuu qaato nabadda, markiise horana nabad-diid ma uu san ahayn, laakiin duruufta ayaa dadka kala fogaysay, waxaa bilowday waji cusub oo dadka Jubbooyinku xal uga gaarayaan khilaafaadka dhexdooda ah” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.




Godax Barre ayaa intaasi raaciyay “Waxaa bilowday shaqo cusub, waxaa bilowday dib-u-heshiisiin dhab ah oo gobollada Jubooyinka laga sameeyo. Dhawaan ayaan filaynaa inuu furmo shir balaaran oo lagu soo afjarayo khilaafaadkii jiray, waxaa farxad noo ah in xubnihii Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay deegaanadaas in ay guul kusoo dhameeyeen wajigii koowaad ee shaqadii naloo xil-saaray”.




Korneyl Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) ayaa dhankiisa sheegay in ciidankiisii lagu xareeyey goobo loo cayimay, bilow fiicana ay u tahay dib u heshiisiinta Jubooyinka




 “waxaan u mahadcelinayaa guddigii golaha Wasiirrada iyo IGAD, howlihii nabad raadinta ee Jubbooyinka oo hormuudka u ahaayeen Wasiiradu ayaan la qaadanay, waxaan soo xaraynay ciidamaddii, diyaarna waxaan u nahay inaan dhamaystirno howlaha inta dhiman ee dib-u-heshiisiintu ugu horeyso”ayuu yiri.




Waftiga Wasiirada ahaa iyo Bare ayaa isla galabtaba, waxay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyagoona warbixin ka siiyey heerarkii ay soo martay wada xaajoodkii lagu soo afmeerayey in si nabad ah lagu soo xareeyo ciidamadii ku sugnaa goobweyn.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay go'aanka Bare Hiiraale uu qaatay tilaabo wanaagsan iyo guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka Jubooyinka oo colaado iyo khilaafyo ay ragaadiyeen.




" Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday," ayuu yiri R/Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo ka shaqaynta nabada iyo xalinta khilaafaadka.




Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay wadaxaajood loo dhanyahay iyo wadahadal nabadeed in uu yahay wadada kaliya ee xal waara loogu heli karo khilaafkii u dhexeyay dadka dagan Jubbooyinka.




Col. Barre Hiiraale ayaa ka mid ahaa qab-qableyaashii dagaal ee Muqdisho laga saaray xilligii Maxkamaddaha Islaamiga ah, kaddib markii looga adkaaday Dagaal, isaga iyo isbahaysigii la baxay argagixiso la dirirka ee Muqdisho laga aasaasay.




Waxa uu sanadkan u dambeeyay duur ka ku ahaa Gobollada Jubbooyinka oo uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ku loolamay shirkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee lagu dhisay Maamulka Jubaland.




Qorshaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo muddo dawladda ku soo taagnayd ayaa u muuqata inay aslaaxday bilihii ugu dambeeyay, kaddib markii isbedel siyaasaddeed la sameeyay.Barre hiraale iyo rw..




Wax kale oo xusid mudan in Barre Hiraale dhawaan ku dhawaaqay inuu ku biirayo xooggaga Alshabaab, isagoo doonayay inuu uga aar-guto dhirbaaxadii uu Sheikh Axmed Madoobe ku maroorsaday madaxweynaha Jubbaland.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com