Tuesday, August 26, 2014

Wasiirka Duulista oo ka hadlay Khilaafka Xayndaabka Madaarka Hargeysa


Hargeysa(GNA)-26-8-2014- Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa caddeeyey in khilaaf dhinaca dhulka ah  u dhexeeyo ciidammada qaranka iyo wasaaraddiisa oo uu xusay inay isku maan-dhaafsan yihiin dhul xayndaabka Madaarka Hargeysa iyo xeryaha ciidanka ee u dhow, arrintaasoo sababtay in millaterigu burburiyo qayb ka mid ah xayndaab loo samaynayo garoonka horraantii toddobaadkan.




Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulan la yeeshay Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada maanta,  isla markaana shirkaas kadib u warramay saxaafadda, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku ku guda jiraan xallinta khilaafka dhinaca dhulka ah oo u dhexeeya ciidanka qaranka iyo Wasaaraddiisa.“Runtii garoonka waxa laga wadaa xadayndaab. Wax hawl yarna maaha, waana wax lagu taamayey ilaa xilligii Ingiriiska (ka hor xornimadii Somaliland qaadatay 1960-kii), waana dhawr iyo kontan sanno, waana arrin la xaqiijin kari waayey, guul weyn baanay u tahay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo hadday xaqiijiso inay garoonkeenna caalamiga ah xad u samayso, arrintaasna qarka ayaannu u saarannahay, waxaanan ugu hambalyeynayaa shacabka Somaliland, gaar ahaan degaankaas oo aannu ka kicinnay dhul gaadhaya boqollaal balloodh, iyadoo aanay cid ku dhaawacmin, lacagna aanaan ka celin.




Ciidanka qaranka iyo xukuumaddu waa isku dawlad, waana koox keliya. Ma qarinayo in is-faham-darro soo baxday iyo inay istaagtay shaqadii xayndaabka madaarku, beenna sheegi maayo, haseyeeshee dhulna ma kala lihin, laakiin wasaarad ahaan meeshan aannu xidhayno ma aha meel Maxamuud Xaashi xidhanayo, Wasaaradda Duulistuna xidhan mayso, balse madaarka ayaa loo xidhayaa. Xeryaha ciidammada qaranka lagu xadgudbi maayo oo la xidhi maayo, Xerada M. Gaska iyo xeerada kamaandawsta qaranka labadaba xadka way ka baxsan yihiin. Ciidammada cirku weligoodba Wasaaradda Duulista ayey ka mid yihiin, gudaha ayaanay ku jirayaan, hadday is faham-darro ka dhacdayna Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo ragga madaxda noo ahaa ayaa isu kaaya toosinaya, wax dhiilo ahna ma jirto,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi oo warfidiyeennadu weydiiyeen khilaafka u dhexeeya wasaaraddiisa iyo millateriga Somaliland.




Wasiirku waxa uu beeniyey in lacago cashuur ah lagu kordhiyey dadka madaarrada dalka ka dhoofa, kaasoo faahfaahin ka bixiyey lacaga ay qaadaan iyo sida loo kala qaado, waxaannu yidhi; “Waxaan shacabka Somaliland u sheegayaa, una caddaynayaa in aanay jirin haba yaraatee wax cashuur ah iyo takaaliif amma lacag ah oo la kordhiyey. Waxaan leeyahay wararkaa ragga qaarkii ka hadlayey waxay ahaayeen warar aan loo miidaan dayin, masuuliyad iyo xil kastana aan salka ku hayn, Soomaaliduna waxay tidhaa, ‘Xog-mooge xaajo waa bi’iyaa.’ Nin weyn amma xildhibaan ah amma xisbi mucaarid ka tirsan inuu war been ah oo berri ku soo noqon doona uu sheego anigu ceeb baan u aqaan, wax wanaagsana maaha. Haddii aad maalin walba been sheegto dadka wax xukumaya waa bulshada’e waxay u arki doonaan in qofkaasi beenawaas yahay. Farriimahaasna waxa dadka loogu diray xilligii dadku dhoofayey ayaa la joogaa, waana si adeegyadooda  loo hufo  oo dadku u dib dhacaan.




Dadka waxa lagu baraarujinayey in lacagaha cashuurta ah ay soo qataan, waxana laga qaadaa $33 doollar. Wasaaradda Maaliyaddu waxay qaaddaa $30 dollar qofku markuu soo degayo iyo markuu dhoofayo, $10 doollar ee la yidhaa takaaliifta amniga madaarka waxa la qaadaa marka la dhoofayo oo keliya ee shandadaha dadka la baadho, $3 dollar ee madaarku adeegyada u isticmaalana labada jeer ba waa la qaadaa, markaa waa $43 doollar oo wax lacag ah oo aannu kordhinnay ma jirto.”




Waxa kaloo uu sheegay in aan lacag lagu kordhin baarkinka baabuurta la dhigo ee madaarka Hargeysa, balse ay shirkad gacanta ku hayso, kuna shaqo leedahay qurxinta madaarka dibaddiisa ee gawaadhida la dhigto; “Wasaaraddu lacagaha ay qaaddo waa lacago nidaam waafaqsan. Lacagta baarkinka laga qaado waa jira oo dunida ka shaqeeya, waana adeeg, kaasna wax wasaaraddu gacanta ku hayso ma jiro, waxana maamusha shirkad gaar loo leeyahay. Shirkaddaasi dhisme eyey ku samaynaysaa baarkinka madaarka, lacag fara badan ayeyna gelinaysaa, waanay qurxinaysaa, iyaguna waxay qaadanayaan ajuuro nidaamsan oo $1 doollar ah, waxna ka dhibi mayso dadka, wixii horumar ahna in dadku mahadiya qurux badan ee in la xasaradeeyo ma fiicna.”




Dhinaca kale, waxa uu xusay in garoonka diyaaradaha ee Kalabaydh ee Gobolka Gabilay la dhisi doono marka loo helo dhaqaale, lana kala jeclaysanayn sida madaarrada Somaliland ugu kala yaallaan degaannada dalka.




“Waxaan u malaynayaa in wax Soomaaliya lagu wareejiyey in aanay jirin baryahan, hawo Soomaaliya lagu wareejiyey ma jirto, hawada Somaliland oo lagu wareejin doonaana  ma jirto, horena  waannu uga hadalnay, xukuumadda, dawlad ahaan, shacab ahaan iyo qaran ahaanba mowqif adag ayaannu ka taaganahay.




Wakiilka Qaramada Midoobay Somaliland iyo Soomaaliya u fadhiya Mr. Nicolas Kay waannu ka wadahadlnay, mawqifkeenuna wuu cad yahay, wax lagu wereejiyey ma jiraan, wax lagu wareejin doonaana nooma muuqato annaga, markaa rag welwelka qaba ma nihin, waanuna isku kalsoonahay, waana run oo loollan wuu innaga dhexeeyaa Soomaaliya; iyaguna waxay doonayaan inay la wareegaan, innaguna teenna la wareegno ayeynu doonaynnaa oo Somaliland loo sameeyo hay’ad madaxbannaan oo hawada ah. Warbaahinteenna waxaan leeyahay arrinkani hiil ayuu u baahan yahay, in aynnu buunbuunino ragga aannu is-haynno mahee, waar ha na bakhsina dagaalka meel fiican baannu marinaynaaye.”




Waxa kaloo uu caddeeyey in aan taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxdoona cidna ku dhibin madaarrada dalka, “Masuuliyiinta mucaaridku karaamo ayey leeyihiin, waanuna dhawrnaynaa, maamuuskooda iyo qadarin ayey naga mudan yihiin, waannu siinaynaa, madaarradana amar ayaannu wasaarad ahaan ku bixinnay in madaxda xisbiyada mucaaridka la siiyo maamuuska ay leeyihiin, maalin walbana VIP-da way soo maraan,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimnews/Hargeysa Office/Somaliland