Thursday, August 28, 2014

Digreebaa la qaataa?by: Ridwaan Akid


[caption id="attachment_94012" align="alignleft" width="232"]Suxufi ka howl-gala SLNTV Suxufi ka howl-gala SLNTV[/caption]




Isbadelada ku yimi tacliinta wadanka somaliland waxaa meel aad u hooseysa laga soo qaadey yagleelida unkanka waxbarashada bulshada dhibaatooyinka iyo burburka soo gaadhey goobaha waxabarashada dalka ayaa loo soo marey dhibaato baaxad leh sidii dib loogaga shaqeysiin lahaa xarumaha tacliinta, umadana la dhiso aqoonteeda si qaranku u gaadho talaabooyinkiisa horumarka mustaqbalka.




 Maraaxiilka kala duwan ee xawaaraha dheer ku socdey ee tacliinta ayaa suurto galiyay in wadanka laga hirgaliya dugsiyo hoose dhexe kuwa sare iyo jaamacado heer sare ah iyadoo ay barbarsocdaan xarumo waxbarasho oo gaar loo leeyahay door muhiim ah kaqaataan daboolida baahiya waxbarsho ee dalka. Xiliba wakhtiga xiga waxaa si dhaqso ah u sii badanaaya goobaha tacliinta bulshadu ka qaadato arintaas oo faa’ido iyo khasaareba u leh bulshada marka hore waa arin loo baahnaa in la helo badnaashaha goobaha waxbarashada umadu ka hesho waxaaney door muuqda ku lee yihiin kobcinta tacliiinta dalka iyo dhisitaanka aqoonta dadweynaha.




Halka ay wataan khasaare muuqda oo ah in qiimaha iyo tayada waxbarshadu hoos udhacdo lana arko dhalin jaamacado ka soo qalin jabisey hadana aan u bisleyn culuunta ay qaateen. Bal muwaadin ama akhriste xasuuso mudooyinkii hore qiimaha uu lahaa ardeyga gaadha dugsiga sare iyo sida bulshadu qiimo weyn ugu hayeen iska daa ka jaamacad gale.




 Mudooyinkii u danbeyysey waxaa sii kordhaaya ardeyda tirada badan ee ka qalin jabineysa jaamacadaha wadanka ka shaqeeye waxaaney wada qaateen shahaadad kooweed ee DIGREE PROGRAMS kuliyadaha kale duwan hadana wey yar tahay ardeyda tayadoodu dhisan tahay Umada reer somaliland waxay horumar xoogan ka gaadhey helida tacliin qoto dheer iyagoo ku sugan deeagaankoodiii dhibaato badana aan u marin xali kasta waxay heli karaan aqoonta casriga ee xiliga caalamku ka sheqeeyo iyo Technologyada casri ah.... muwaadin ama ardey iyo ardeyadba waxaa waajib ah in waxbarshadu aaney kaa noqo aqoon baa la doontaa Digree baa la qaataa balse ay kaa ahaato mid mustaqbalka aad ugu shaqeeyso naftaada iyo umadaada aanad ku horumariso qarankaaga waayo waxaynu ka war haynaa in dawladaha caalamku ay ku kale horeeyaan sida umadooda tacliintuudu u kale horeyso laguna kale danbeeyo cududa qarankaasi huwan yahay oo salka ku haysa waxbarshada heerka ay ka gaadheen.




 Tusaale ahaan wadanka JAPAN waxa uu ku jiraa wadamada hormuudka ka ah dawlada dhaqaaalaha ku faana bedkiiisu wuu yar yahay waxaana deegaanadiisa qaar ka mid ah lagu garaacey hubka wax gumaada ee Atoomig Bamka ee dhulka dhaxalsiiya in nolol danbe ay ku adkaato in ay ka hir gasho ardeydii u horeysey taariikhda wadanka japan ee aqoon dibada u raadsadaa waxay waxbarsho u tageen wadanka Egpty ama Masar wakhti xaadinrkana daraasad dhawaan daaha laga horey ayaa sheegeysa in shirkada SONY ee japan laga lee yahay ay ka miisaaniyad badan tahay miisaanaiyada qaranka Masar ku hawl galo arintaa iyo farqigaa dheer waxa uu ku yimi aqoonta umada jabaan gaadheen siyaasiyiinta JAPAN waxay umadooda ku dhiiri galiyaan in wax qudha ee caalamka kula tartamayaan ay tahay tacliin iyo dadaal.




muwaadin ku dayo bulshada jecel waxbarshada kobcina aqoontaada si aad dadkaaga iyo dalkaagaba u gaadhsiiso horumar kana faaideyso wakhtigiina iyo caafimaadkiina .




 mahadsanidin dhamaantiin akhristayaal




 Waa Qalinkii Suxufi Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil




Email: Ridwaan_akiid@hotmail.com ama akiid14@gmail.com




Tellephone: 0634417227 ama 0659109190