Friday, August 29, 2014

Soomaali Maraykan u dagaalamayay ISIS oo lagu Dilay Syria


[caption id="attachment_94074" align="alignleft" width="300"]cabdiraxmaan waa amerikankii labaad ee lagu syria cabdiraxmaan waa amerikankii labaad ee lagu syria[/caption]Nin Soomaali Maraykan ah ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay qofkii labaad ee Maraykan ah ee lagu dilay Syria isagoo ka bar bar dagaalamaya kooxda ISIS.




Muuq baahiyaha KSMP ee magaalada Minneapolis ayaa ninkaasi magaciisa ku sheegay Cabdiraxman Muxumed.




Telifishanka oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in Cabdiraxmaan lagu dilay isla goobtii uu ku dhintay Douglas McCain, oo ahaa 33-jir Maraykan ah oo isna ka tagay agagaarka Minneapolis kuna biiray kooxda ISIS.




Wararka dhimasha ninkan Soomaali Maraykanka ah ayaa lagu baahiyay baraha bulsha.




Saraakiisha amniga Maraykankuna waxay sheegayaan inay wararkaasi arkeen, balse aanayn xaqiijin karin wali inuu run yahay iyo in kale.




Dhinaca kale, hooyada dhashay wariye Maraykan ah oo ay haystaan kooxda ISIS ayaa ka codsatay hoggaamiyayaasha kooxda in wiilkeeda Steven ay u sii daayaan




Hooyadan oo lagu magacaabo Shirley Sotloff ayaa muuqaal Video ah ku sheegtay inuu wiilkeedu yahay “nin sharaf leh” oo aa loo ciqaabi karin ficilada dowladda Maraykanka,sida ay ku warantay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.




Tiro dhalinyaro Maraykanka u dhalatay ayaa bilhii la soo dhaafay u safray dalalka Syria iyo Ciraaq oo ay Kooxda Jihad doonka ah ee ISIS ka wado guluf ka dhan ah Maamulada wadamadaas ka jira.




Laba Wiil oo ka soo jeeda qoysas si weyn looga yaqaano Dhulka Soomaalida, kuwaasoo mid uu adeer u yahay Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya midna uu dhalay Eng. Faysal Cali Waraabe oo madax ka ah Xisbi Mucaaridka UCID ee Somaliland ayaa ka soo dhex muuqday Jabhadaha ISIS muddo aad isugu dhow oo bishii Jully ahayd.