Monday, August 25, 2014

Syria: Wariye afduub lagu haystay oo la sii daayay iyo 67 kale oo lagu dilay ilaa 2011-dii


[caption id="attachment_93791" align="alignleft" width="300"]Peter Curtis waxa uu afduubnaa ilaa 2012-sii Peter Curtis waxa uu afduubnaa ilaa 2012-sii[/caption]Dimishiq(GNA)-Suxufi u dhashay dalka Maraykanka oo muddo laba sano afduub loogu haystay gudaha dalka Syria ayaa xoriyaddisa dib u helay.




Peter Theo Curtis oo Bishii October ee sanadkii 2012-kii laga afduubtay soohdinta u dhaxaysa Syria iyo Turkiga ayaa waxa sii deyntiisa ka qayb qaatay nabad-ilaaliyayaal ka socda Qaramada Midoobay oo ku sugan Dalka Syria gaar ahaan meesha la yidhaahdo, al-Rafid, Quneitra oo kutaalla gudaha dalkaasi.




Suxufigan ayaa oo lagu soo wareejiyay QM  Axadii Maanta, waxaana isla markiiba loo gudbiyay Xafiiska Danjiraha gaarka ah ee Maraykanka u jooga Syria, kaddib markii baadhis caafimaad lagu sameeyay saacado yar kaddib markii la sii daayay.




Peter, ayaa u afduubnaa mid ka mida Kooxaha Shabakadda Al-qaacida oo magaceeda la yidhaahdo al-Nusra Front, waxaana loo geystay jidh-dil, iyadoo uu la kulmay daryeel la’aan caafimaad iyo dhibaatooyin nafsaddeed.




Sii deynta Curtis ayaa si weyn looga soo dhaweeyay dalka Maraykanka, iyadoo ku soo beegantay xilli laga murugaysanyahay dilka Wariye kale oo isla dalka Maraykanka u dhashay oo laba maalmood ka hor lagu gowracay gudaha Syria.




Qoyska Suxufigan iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa si isku mida uga hadlay dareenkooda ku aadan sii deynta Ninkan.




67 Wariye ayaa lagu dilay gudaha Syria tan iyo markii ay dagaalada sokeeye ka bilaabmeen dalkaasi, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saaraan guddida difaacayaasha Suxufiyiinta ee CPJ.




Daraasiin kale ayaa afduub loogu geystay. Sida ay ay sheegtay CPJ.