Friday, August 29, 2014

Michel Platini Oo Ka Hadhay Tartanka Madaxtinimada FIFA.


Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta ee UEFA, Michel Platini ayaa sheegay in aanu jagada madaxtinimada FIFA kula tartami doonin Sepp Blatter.




PB-655x360




Platini oo ay da’diisu tahay 59 jir, waxa uu u sheegay wefti ka socda UEFA oo ku sugan Monaco in uu go’aansaday in aanu u tartamin madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta ee adduunka ee FIFA, laakiin uu doonayo in uu sii maamulo UEFA.




Platini ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Press Association Sport, in uu qaatay go’aankaas, waxana isla markiiba gacmo furan ku soo dhaweeyey go’aanka Platini, Michel D’Hooghe oo ah xubin ka tirsan guddida fulinta ee FIFA.




“Waa farriin togan. Waxa uu sheegay in uu sii ahaanayo madaxweynaha UEFA, waanan ku farxay sababtoo ah maaha xilligii dagaalku dhex mari lahaa FIFA iyo UEFA” sidaa waxa yidhi Michel D’Hooghe.




Go’aanka uu Platini qaatay ayaa waxa uu ka dambeeyey markii shan ka mid ah lixda qaaradood ee dunidu ay shaaciyeen in ay taageersan yihiin Blatter in uu mar kale u tartamo FIFA, isla markaana ay codkooda siin doonaan. Qaaradda Yurub oo kaliya, ayaana intaa wixii ka dambeeyey la sugayay in ay go’aankeeda shaaciso, taas oo ku kaliftay Platter in uu sida qaaradaha kale ku raaco Blatter in uu mar kale noqdo madaxweynaha FIFA oo aanay kula tartamin.