Tuesday, August 26, 2014

Ma geedi aan sahan lahayn ayay ina rarayaan?


Dhaqanka dabiiciga ah ee siyaasiyiinta mucaaridka ah waxa ka maqan qeyb weyn oo ka mid ah tiirarka aasaasiga ah ee laga doonayo in xisbiyadda mucaaridku ay kula loolamaan dawladda tallada dalka haysa.




Tiirkaas ka maqan dhaqan siyaasadeedka labada xisbi mucaarid ee WADDANI  Iyo UCID waxa ka mid ah inaanad arkaynin iyagoo inta ay shirar waaweyn qabtaan soo bandhigaya  barnaamijkii siyaasadeed ee ay ku doonayaan inay dalka ku xukumaan. Waxaan filayaa inaanay labada xisbi midina lahayn wali barnaamij siyaasadeed balse ay samaysan doonaan mid qabyo ah oo aan is fasirayn maalmaha u dambeeya ee lagu dhawaaqayo siidhiga bilowga olalaha doorashooyinka.




Axsaabta mucaaridka ahi ma maqlaysid iyagoo dawladda ku taageeraya haddii ay wax wanaag ah samayso, waxase ay ka adag yihiin




uun inay mar walba shacbiga u saaraan kaashadda calaalka, waxay u haystaan in marka ay dawladda eedeeyaan-ba inuu u kordhayso taageero siyaasadeed.




Waxay  doonayaan uun kaliya doorashadii maxaa loo qaban waayay iyo inay orod maaradoon ah oo janto fagax ah wadanka geliyaan hadhowna ay ku soo xidhanto. Maxay u diyaar san waayeen qorsheyaal ay adeeegyada bulshadda ka qabanayaan.




Nin aanu saaxiib nahay ayaa igu yidhi “Mucaaridku miyaanay lahayn qorsheyaal waxqabad” mise waxay ku takhakhuseen uun dayrada, qalbi dilka iyo aflagaadada madaxda wadankooda.




Waxa kale oo uu I weydiiyay “Maxay inoo qaban doonaan oo aan ku doorannaa” waxaan ugu jawaabay waxay inoo sheegi doonaan maalmaha olalaha doorashadda. Ka dibna waxa uu yidhi inta kale ma cayda iyo cambaareynta ayay qaabilsan yihiin. Su’aashaasi waa mid u baahan in axsaabta mucaaridku dadka ka jaahil saaraan.




Naasir Daahir  Furre