[caption id="attachment_93797" align="alignleft" width="300"] Muuqaalka isbedel ku yimi Suuq[/caption]Muqdisho(GNA)-Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa xiran maalintii labaad, kaddib markii ay Ganacsatada suuqaasi shaqo joojin ku dhaqaaqeen.
Ganacsatada ayaa ka cabanaya Cashuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, taasoo ku khasabtay inay dhamaan shaqada joojiyaan.
Ganacsatada ayaa ku dooddaya inay cashuurta ku waajibtay ay bixiyaan, balse laga qaado Lacago kale oo ay sharci daro ku tilmaameen.
Suuqa xiran ayaa ah xudunta dhaqaalaha geeska Afrika, iyo xataa meelo ka mida dalal gobolka ee xidhiidhka ganacsi u dhexeeyo.
Suuqan ayaa inta badan laga jaan-gooyaa, sicirka Sarifka lacagaha qalaad iyo baddeecadaha qaar.
Dawladda federaalka ah ayaa dhinaceeda sheegtay inaanay garanayn lacagaha aan cashuurta ahayn ee laga qaado, balse ay ka war hayaan cabashada Ganacsatada.
Wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyada Cabdulaahi Axmed Nuur oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay iney sida ugu dhakhsiyaha badan ay wax uga qabanayaan cabashada ganacsatada.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com