Saturday, August 30, 2014

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay Hargeysa


[caption id="attachment_94113" align="alignleft" width="300"]biriijka Hargeysa oo Biyuhu biyo iyo baabuur la ciir-ciiraya biriijka Hargeysa oo Biyuhu biyo iyo baabuur la ciir-ciiraya[/caption]Hargeysa(GNA)-Roobab Mahiigaan ah ayaa ka da’ayey Magaalada Hargeysa iyo hareereheeda  24-kii saacadood ee la soo dhaafay  , kuwaasoo si wanaagsan u maasheeyay Beledka, isla markaana lagu qabowsaday.




Roobabka ayaa inta badan ka da’ay Bariga iyo dhinaca Waqooyi ee Magaalada, iyadoo Onkodka iyo Hilaaca roobka laga dareemayay Miisaan xoogan oo uu leeyahay.




Ilaa iyo hada lama soo sheegin wax waxyeelo ah oo ka dhalatay Roobabkan oo badhtamaha magaalada goor aan sidaas u fogayn ka qaaday, hase ahaatee Meelaha qaar ayaa la soo sheegayay in danab ka dashay roobka.




Sida ay dad goob-joogeyaal ah Gobanimonews u sheegeen roobka ka da’ay dhinaca waqooyiga ee Magaalada Danab sameeyay, mase jirto waxyeelo ka dhalatay oo la soo sheegay.




Roobka ayaa curtay todobaadkii la soo dhaafay, xilli ay warbaahintu hadal haysay inay dawladda hoose ka gaabisay nadiifinta Magaalada, isla markaana qashin badani buuxiyay meelaha biyo mareenada ah.




Waxaanay dhaliisha saxaafadda nadaafad darada caasimadu soo baxaysay, iyadoo maamulka dawladda hoose dedaal ugu jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen waxyeelo Daadku u geystay Xabaalaha Boqol jire ee darafka Magaalada,taasoo muujinaysa inay u soo jeedaan  la tacaalida mashaqooyinka ka dhasha xilli roobaadka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com