Thursday, August 28, 2014

Ma maqashay Burco waxaa Madaxda ka habaaray Sheikh Bashiir?


Awal kaan licib,Markii hore ciyaar bay ahayd ee maantay taagantahay,Magaaladii Burco waxaa ka dilaacay qawlaysato isku xidhan oo qaybta hungurigu  shaqayanayso.




Xuquuqal insaan baan jirin,xoriyatul qawl baan jirin,Islaamnimaa laga tagay,waxaa loosoo dhigtay hantidii qaranka ka dhaxaysay.




 waxa samaysantay shebekad isku xidhan oo taxan ilaa madxtooyada. waxaa shaqadoodii laga qaaday hay’ado iyo wasaarado laga dhigtay magac u yaal oo hawshoodii cid kale tuurta ku sidato.




waa markii u horaysay ee la arko mina shiibiyo iibinaysa dhismayaashii dawlada,waxaanay maanta ka dhacday magaalada Burco.




waa dad soo jabay oo ba’ay waxay mar qudha arkeen maamulo soo shaqo tagay oo aan iyaga waxba ugu filayn.




waa la shirayaa waxa la tuujinayaa maskaxo gudhan,waxaa kasoo baxaya maxaa la cunaa.




“naag la guursado  guri la dhisto iyo gaadhi fiican'' .




waa cajiib Madxwayne waa ayaan daro wayn gobolkii aad u dhalatay inaad ku eegto shebekadan isku xidhan ee usoo maxaafsi tagtay.




Qore: Xuseen Axmed Maxamuud




Burco