Saturday, August 30, 2014

Cudurka EBOLA oo u gudbay Senegal


By: BBC-SOMALI




[caption id="attachment_92897" align="alignleft" width="300"]Kooxaha Gurmadka caafimaadka Kooxaha Gurmadka caafimaadka[/caption]Xukuumada Senegal ayaa waxay xaqiijisay qofkii ugu horeeyey dalkaasi ee uu ku dhoco cudurka Ebola, taasi oo ka dhigaysa Senegal waddankii shanaad ee galbeedka Afrika ku yaala ee uu gaaro cudurkan Ebola.




 




Liberia-na waxay sheegtay in ay xayiraada ka qaadi doonto xaafad isku raran ah oo ay karantiishay, kaddib markii halkaas lagu arkay cudurka Ebola.




Wasiirka warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in la qaadi doono xayiraada, waxa uuna intaasi raaciyey in ay isku kalsoonyihiin oo ay wax ka qaban karaan cudurkaasi.




 




Xaafadan oo la yiraahdo West Point kuna dhow caasimada Manrovia, ayaa waxa la karantiilay todobaad ka hor, waxaana tallaabadaasi ka dhashay rabshado.




 




Dhinaca kale, saynisyahano tijaabo ku sameeyey dawada lagula tacaalayo cudurkan ayaa sheegaya in ay kala kulmeen boqolkiiba boqol natiijo wanaagsan tijaabooyinkii ay ku sameyeen sideed iyo toban sheybaar.




 




Daanyeero ayaa lagu tijaabiyey daawada oo la yiraahdo Zee-Mapp, hasayeshe weli ma cada in dawada wax tar u yeelan karto bani'aadamka.