Thursday, August 28, 2014

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo booqasho ku tegaya Canada


[caption id="attachment_93983" align="alignleft" width="300"]Wasiirka Arrimaha dibada somaliland Wasiirka Arrimaha dibada somaliland[/caption]




Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago dalka Canada.




Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka Khaarajiga Somaliland ayaa haysta degenaanshiyaha  Dalka CANADA,taasoo uu wakhti dheer ku noolaa.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo ku saabsan safarka Wasiirka Khaarajiga iyo ujeedada uu daaranyahay, hase ahaatee ilo-wareedyo xafiiskiisa ku dhadhow ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu booqan rabo Dalalka Canada iyo wali gobolo ka mid ah Maraykanka.




Booqashada Biixi ee Canada ayaan sadaal buuxda laga haynin miisaanka diblomaasiyaddeed ee ay Somaliland u leedahay, hase ahaatee sida laga war qabo qaar ka mid ah Shirkada sahaminta Macdanta iyo Shidaalka, heshiiska kula jira dawladda ayaa fadhigoodu yahay dalkaasi.




Hase ahaatee in safarkiisu arrintaas la xidhiidho wax macluumaad ah lagama hayo.




Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi ku nool ayaa u diyaar garoobaya imaanshiyaha Masuulkan xukuumadda Siilaanyo u qaabilsan khaarajiga Maxamed Biixi Yonis.