Friday, August 29, 2014

Cali-Guray Waa Sidaas oo Aad Joogteyso!


[caption id="attachment_72603" align="alignleft" width="300"]Guddoomiye ku-xigeenka 3aad UCID Guddoomiye ku-xigeenka 3aad UCID[/caption]




Waxaan maqaalkaygan kooban ku hambalyeynayaa Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID  Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo dawladda iyo iyo ciidamada qaranka ku bogaadiyay tallaabada ay ka qaadeen kooxdii Cali Khaliif Galaydh.




Cali Guray si daacad ah uga hadlay hawl-galka ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee Jiida Saax-dheer, waxaanu sheegay inaanu xukuumada ku canaananayn ee uu ku ammaanayo siday ciidammadu waajibkooda uga qabsadeen  xafladii Cali Khaliif Galaydh isku caleemi saari lahaa Saax-dheer,sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal aan face-book-ga ku arkay oo Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee UCID soo geliyay. Runtii sidaas ayaa la rabaa inay  in Cali laftiisa iyo xisbiyada  mucaaridkuba u shaqeeyaan oo aanay uga aamusin markay dawladu qaado tallaabo loo baahnaa oo kooxaha nabad diidka cashar loogu dhigayo,waxaana fariintiisa aan bogaadinayo uu ku yidhi




“Saaka waxa la leeyahay Saax Dheer iyo wufuudii Muqdisho uga timi caleema saarka Cali Khaliif ba Ciidanka Qaranka ayaa kabaha la dul maray,  Maxaa koofiyad iyo cimaamada dulaysa Maxaa firxad yaacaya oo leh i bixiyow i bixi?. Walawayn caqli xumaa meesha Dhulbahantaa laga warwareegayayee ma xukuumadda Muqdisho ayaa la ogolaan karaa inay maamul goboleed Soomaaliya ah ka dhex dhistaan Somaliland, In kasta oy ahayd inay digniino hore bixiso hadana anigu tan ku eedayn maayo xukuumaddu maxay gacamaha uga laaban wayday ee isaga daawan wayday. In kasta oon ilaa hadda waxba kala cadayn hadana waan ka xmahay wixii dhimasho iyo dhaawac ah hadii ay jiraan. Wixii aan Somaliland ahayn ee halkaa yimidna waxan u arkaa inay faduul galeen iyaga oo uga jeeda ku xumee Somaliland.”




Sidaas darteed, aan mar labaad bogaadiyo Cali Guray oo sida loo yaqaano sanadahan dambe xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxqabadkeeda ka xidhay muraayad madow isla markaana ah nin aad ugu tallax taga naqdiga xukuumadda wax munaasib ah iyo waxaan munaasib ahaynba, Caliyoow sidaas ayay mucaaridnimadu waddaniyad ku yeelanaysaa marka  Tallada aad xukuumadda siinaysaysaan Nasteex noqoto ee aanay juq sii ahayn.




 




Bedel Cali Cabdilaahi