Thursday, August 28, 2014

La yaabka Hargeysa: Xildhibaan Baloodh ka jeexday waddo muhiim ah + sawiro


[caption id="attachment_94030" align="alignleft" width="300"]20140828_084000 Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption]




Hargeisa( GNA)Xildhibaan Hanad Xaashi oo katirsan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa ayaa meel wado ah oo ku taala xaafada shacabka ka bilaabay dhisme guri ah.




Dadka xaafada ayaa saaka aroortii kusoo toosay wadadii oo bino cusub laga dhisayo, kuwaas oo shaqaalihii dhismaha ee goobta joogay kala eryay, inta ay ku gaddoodeen.




Xildhibaan Hanad Xaashi ayaa habeenkii ka horeysay saqdii dhere kusoo rogay Dhagax iyo jaajuur ah goobta uu dhisanayo, kaas oo damacsanaa in uu habeen madaw ka gaadhsiiyo dhismaha wadadan uu doonayay in uu dhisto.[caption id="attachment_94030" align="alignleft" width="300"]Lami Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption]    [caption id="attachment_94030" align="alignleft" width="300"]20140828_063559 Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption] [caption id="attachment_94030" align="alignleft" width="300"]Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption]   [caption id="attachment_94033" align="alignleft" width="295"]Xildhibaankii Kood-buur laga soo doortay Xildhibaankii Kood-buur laga soo doortay [/caption]




Sida dadka xaafada ku dhaqani ku doodeen Dawladda hoose ayaa horey goobtaas cagaf u gelisay oo banaysay, cagaftaasoo ay sheegeen inay xataa qasabadii biyaha ka jartay markay banaynaysay meesha.[caption id="attachment_94030" align="alignleft" width="300"]20140828_061727 Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption]




meesha wadada ah ee xildhibaanku seestay ayaa ku taala xaafada shacabka, khaasatan agagaarka xafiiska Akaadaamiga Hormarinta Af Somali-ga ee Gaariye ama agagaarka guriga uu wasiirka maaliyada Somaliland dagan yahay, ay  dawlada hoose u soo dirtay cagaf.[caption id="attachment_94030" align="alignleft" width="300"]20140828_061742 Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption]




Xildhibaan Hanad Xaashi oo codka ugu badan ka heley degmadan Kood-buur ayaa waxa isa soo taraya cabashooyin ka dhan oo ka soo yeedhayay dadka degmadaas degen.[caption id="attachment_94030" align="alignleft" width="300"]20140828_061811 Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption]




Noomay suurto gelin inaanu helno Xildhibaanka si aanu wax uga waydiino sababta ku kelifay inuu boobo dhul waddo ah,kaddib markii uu noo dhici waayay telefoonkiisa gacanta oo aanu ka wacnay.[caption id="attachment_94032" align="alignleft" width="300"]Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota Dadweynaha oo ku gadooday saaka iyadoo howshu u socota[/caption]