Sunday, August 31, 2014

Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Oo Ka Gaaabsaday Hawl-galka Saax-dheer Iyo Cali Khaliif


Hargeisa (GNA)-Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa guud ahaanba ka gaabsadey in uu ka hadlo arinta Deegaanka Saax/dheer iyo Caleemasaarkii fashilmay ee Cali Khaliif Galeydh,shaqaashaqadii halkaa ka dhacdey waxaanu ku gaabsadey in aanu afhayeen u aheyn Xukuumada balse, uu yahey Kuxigeenkii Ra,iisal Baarlamaanka dalka islamarkaana, uu ka hadli karo oo kaliya arinta Golaha Wakiilada ee fadhigii maanta.




Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews,ugu waramey Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,oo uu maanta fadhiistey fadhigii Golaha ee saaka kadib,waxa  xogwarankiisa uu siiyay hadhwanaagnews ku koobay in fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada  lagu ansxiyay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha




iyo Tiknoolajiyada Cali Xaamud Jibriil, oo ay ucodeeyeen 19 Xildhibaan,halka shan kamid ahina diideen labaatan Xildhibaan oo kalena ka aamuseen islamarkaana, uu sidaa ansax ku yahey Wasiirku.




“Anigu Dowllada afhayeen uma ihi kamana hadli arinta Cali Khaliif iyo Arinta Saaxdheer ee xiligan, Xukuumada ka wareysta taasi,Fadhiga maanta waxa kasoo xaadiray 44 mudane,waxa diiday 5 mudane,waxa u codeeyay 19 mudane, waxa ka aamusay 20 mudane sidaasaanu anasax ku yahey maxaa yeelay Sharci ayuu leeyahay Goluhu Xildhibaanada ka aamusay codkoodu waxba kama jiraan weeye diidmana ma aha ogolaanshana ma aha sidaasuu ansax ku yahey ayaan leeyahey Xildhibaanada”Ayuu yidhi Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.




 




Isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo ku sahabsaneyd Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland hadal dhawaan kasoo yeedhay, oo uu ku sheegay inaan heshiisyada uu Galo sharciyan la hor keenaynin Golaha Wakiilada Waxa uu ku jawaabay Mudane Baashe.




“Taasi Wasiirku kama hadli karo arintaas,laakiin anaguna marka Madaxweynuhu noo soo gudbiyo sharciyan isagaa leh ayaanu Gole ahaan ka hadleynaa, arimahaasina waa kuwa Madaxweynuhu awooda dastuuriga ah u haysto markaasaana si sax ah looga hadlayaa arintaas”Ayuu yidhi Baashe Maxa,d Faarax.