Friday, August 29, 2014

Suldaan Maxamed: kilaafka xad Hargeysa iyo Salax-ley waxay u taalla Wasaaradda Arr. gudaha


 “Tasarufka meesha ka taagan ayaa ah mid ku kooban shakhsi kaliya, waxa shakhsi ku koobanina maaha wax socon kara”




Hargeysa(GNA):- Suldaan guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay murranka dhuleed ee u dhaxeeya Golayaasha Deegaanaada Hargeysa Iyo SALLAXLEY,isla markaana waxa uu waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay inuu dhul ka qaatay Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTECO.




Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa u waramayay Shabakada wararka ee Hayaannews.com.




Suldaanku waxa kale oo uu si faah-faahsan uga hadlay khilaafka ka dhex taagan Golaha Deegaanka SALLAXLEY iyo Maayarka.  




Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa waxa uu waxba kama jiraan iyo been ku tilmaamay dhul lagu eedeeyey inuu ka qaatay Maayarka Caasimada Hargeysa, isaga oo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhulka ay leeyihiin Suldaan Maxamed iyo Xildhibaan Kawsar ayaa ka qaatay Maayarka Caasimada Hargeysa,arrintaa waxba kama jiraan dhulna nalama siinin, dhulna maanaan weydiisan,




“Deegaanka SALLAXLAY-na waxa naga dhaxeeya waanu ilaa shanaynaa, oo waxaanu ka la’anahay horumar,wixiii horumarka loo siiyayna si dadban ayaa loogu tasarufayaa oo loo isticmaalayaa,”.Ayuu yidhi Suldaan Maxamed.




Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Maayerka SALLAXLEY (Shiine) isaga ayaa yidhi meeshii ma wadi karo, xoghayahayguna aqoon malaha,markaa waxay iila muuqaataa inuu  inantaa (Kawsar) uu ku wareejiyo. Maayarka SALLAXLAY iyo Xildhibaanada waxa dhexyaala khilaaf weyn oo ah Xildhibaanadu wax mushahar ah ma qaataan, dakhliga meesha soo gala maaha mid yar, kabka ay bixiso dawladu wuu jiraa, markaa maamul ahaan way is khilaafsan yihiin, tasarufka meesha ka taagan ayaa ah mid ku kooban shakhsi kaliya, waxa shakhsi ku koobanina maaha wax socon kara”




“Waxay isku hayaan Golayaasha deegaanka Hargeysa iyo SALLAXLEY waxay u taalaa Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Golaha Wakiillada, maaaha wax Suldaan Maxamed iyo Beesha u yaala maaha, Golaha Deegaanka SALLAXLEY iyo Golaha Deegaanka Hargeysa waxay isku khilaafsan yihiin waxay weeyaan in Xeerka kala xadeynta Gobolada iyo degmooyinka Somaliland la dhaqangeliyo oo Golaha Wakiillada iyo Guurtida ayuu marayaa,marka danbena waxa uu ku danbeynayaa Madaxweynaha oo saxeexaya,aniguna wax aan farogelin karo maaha, Soomaalidu waxay tidhaahda ‘HAL DIIDANI GEED AY KU XOQOTO MA WEYDO’, waxba yaan laygu soo raad-gadanin.”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.