Wednesday, August 27, 2014

Sool: Wufuud ka socda D. Federaalka iyo QM oo ka qayb-gelaya Caleemo saarka Galaydh


Waxa ka mida wufuuda Reysal-wasaarihii hore ee Somaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirro




Xaflada Caleemo-saarka Galaydh waxay dhimbiil dab ah ku tahay Xukuumadda Somaliland ee Hargeysa...




[caption id="attachment_93952" align="alignleft" width="300"]RW hore ee Somalia C. Maxamed Geedi RW hore ee Somalia C. Maxamed Geedi[/caption]Saax-dheer(GNA)-Magaallooyinka Gaalkacayo iyo Buuhoodle waxa maanta ka soo degay Wufuud kala duwan oo ka qayb-gelaya caleemo saarka Madaxweynaha khaatumo oo la filayo in Khamiista beri lagu qabto magaalada Saax-dheer ee saldhiga u ah Maamulkaas.




Wufuudda, ka qayb-gelaysa Xaflada Caleemo saarka, waxa ka mid ah Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya ee xiligii Cabdilaahi Yuusuf Cali Maxamed Geedi, Wasiiro ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya, ergo ka socota Qaramada midoobay, Xildhibaano ka soo jeedda gobollada SSC, Masuuliyiin ka socota Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo madaxdhaqameedyo ka socda Gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.




Inta badan Wufuudda ayaa galabta ilaa caawa soo gaaraya Magaalada Saax-dheer, iyadoo gaadiid lagaga soo gelbiyay meelaha ay ka soo degeen.




Sida uu ku waramayo Wariyaha Gobanimonews ee Buuhoodle Maxamed Cabdicasiis, weftiga Cali Maxamed Geedi oo Gaalkacayo ka soo degay ayaa isla maantaba u soo dhaqaaqay dhinaca Saax-dheer.




Sidoo kale wariyaha ayaa sheegay in weftigii ka soo degay Buuhoodle u soo ambobaxeen dhinaca Magaalada Xafladu ka dhacayso.




Waxa lagu wadaa inay subaxnimada hore ee Berri ilaa caawa soo gaaraan Saax-dheer Wasiirro ka socda Dawladda Federaalka iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.




Diyaar-garowga Xaflada caleemo saarka ayaa si habsamiya ilaa hada uga socota Saax-dheer, iyadoo wufuudu caawa u hooyan doonaan halkaas.[caption id="attachment_93033" align="alignleft" width="300"]Madaxweyne Galaydh Madaxweyne Galaydh[/caption]




Inkasta oo ay si habsamiya u socoto diyaarinta xafladu, hadana waxa jira cabsi dhanka amniga ah oo laga soo sheegayo deegaankaasi, taasoo ay maamulka la baxay Khaatumo ee madaxweynaha loo Caleemo saarayaa ka cabsi qabaan in weerar kaga yimaado Ciidamada Somaliland ee Kulaalaya Degmada Saax-dheer.




Ciidanka Somaliland ayaa shalay saldhig ka samaystay meel u dhaxaysa Saax-dheer iyo daba-taag oo dhinaca Laascaanood kaga beegan.




Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee ka socda sax-dheer iyo imaanshiyaha weftiga dawladda Soomaaliya ka socda ee xaflada Caleemo saarka ayaa falaadh xanuun kulul ku ah Xukuumadda Somaliland ee fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa.




Sidoo kale ka qayb-galka weftiga QM ee Munaasibadu wuxuu dhimbiil dab ah ku yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland, waxaana wax kasta oo halkan  ka socdaa lid ku yahay rabitaanka siyaasaddeed Maamulka Madaxweyne Siilaanyo oo ka soo horjeeda in maamul hoos taga DF laga sameeyo gudaha dalkeeda.




Laakiinse ilaa hada ma jirto wax talaabo ah oo ay qaaday Xukuumaddu, mana cadda mawqifka dhabta ah ee ay ka aaminsantahay arrimaha socda.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com