Friday, August 29, 2014

Ifraax Cali Kirix oo iska casishay tartanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka Sweden


[caption id="attachment_94083" align="alignleft" width="300"]Ifrax KiriixXildhibaan Ifraax xubin firin fircoon oo ku jirtay Goleyaasha deegaanka sweden.....[/caption]




Hargeysa, Somaliland August 29, 2014 (GNA) – Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ah mudane katirsan golaha deegaanka ee magaalada Jönköping ee dalka Sweden ayaa sheegtay in aanay sanadkan isu sharaxyn doorashada golaha deegaanka ee 14 bisha danbe ee September ka dhici doonta dalka Sweden.




Xildhibaan Ifraax oo xalay warbaahinta soo gaadhsiisay Qoraal Kooban ayaa ku sababaysay go’aankeeda arrimo u khaasa oo la soo gudboonaaday.




 "Asxaabta iyo eheliyadaba waan idin salaamay aadhamaantiin.Waxaan idiin sheegayaa inay doorashadii Sweden tahay 14 september, iyadoo la dooran doono xisbigii hagi lahaa wadankan Sweden 4ta sano ee soo socota, sidaad badidiinu la socoteen waxaan ku jiray afartii sano ee ugu danbaysay dawlada hoose ee magaaladan aan deganahay eeJönköping. Waxan ogaysiinayaa taageerayaashaydii soomaaliyeed ee sida mugga wayn leh iigu codeeyey inaanan sanadkan is-sharixi doonin sababtoo ah anoo ka cudurdaartay inaanan fulin karayn xilkaa arimo ii gaara ah oo shaqsiyadeed awgeed.”ayay ku tidhi Ifraax Qoraalkeeda.




Ifrax ayaa ahayd Haweenaydii Soomaaliyeed ee xubin ka noqota Goleyaasha Deegaanka ee dalka Sweden, iyadoo intii ay xildhibaanka ahayd lagu xasuusto arrimo badan oo Soomaalida dalka degen oo ay wax kala qabtay dhibaatooyin soo gaadhay.




Dhinaca kale, waxay kaalin firin fircoon ka ciyaartay isku xidhka Masuuliyiinta dawladda Somaliland ee dalkaas booqda iyo Madaxda Sweden ee heer Baarlamaan, iyadoo dhinaca Jaaliyadahana mideyntooda iyo waliba ku xidhida dalkooda si weyn uga qayb qaadatay.




Si kastaba ha ahaatee tanaasuulka Xildhibaanka ayaa hadaanay Soomalidu bedelkeeda oo kale helin, ay ku lumin doonaan xubin dawladda ugu jirtay oo xilkas ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonew.com