Miisaanka Madbacada Qaranka (State Printing Agency) iyo Moogananta Maamulka ka Jira
[caption id="attachment_94110" align="alignleft" width="300"] Qoraa Cabdilaahi Gadhle [/caption]
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ falaadhi gilgilasho kaagama go’do” Shirkii jaraaid ee ay qabteeen maamulka ka jira madbacada qaranku wuxuu i xasuusiyay Madaxweynihii 35aad ee Maraykanka oo la odhan jiray John F. Kennedy halku dhigiisii caanka noqday ee ahaa “Change is the law of life. And those who look only to the past or present are certain to miss the future.” Oo macnihiisu yahay “ is badalku waa sharciga nolosha. Hadaba kuwa eega waxa tagay ama jooga oo kaliyi waxay lumiyaan mustaqbalka” akhriste miyaanay maamulka madbacadu ka dhignayn sidaa waayo wali waxay kaga dhagan tahay oo waliba shaashadaha la soo fadhiisanayaan waxaanu bixinaa mushaharka shaqaalaha, waraaqaha daabacada ee naga dhamaadana waanu soo iibsanaa, oo tolow yaa yidhi mushaharka ma bixisaan yaase yidhi waraaqaha ma soo iibsataan mise toloow anaan fahmine waxay u jeedaan mar hadaanu mushaharka bixin karno, horumar noo hadhay ma jiro, akhrista saw markaa inagana inooma eeka inaynu maamulka farwaawayn ugu sharaxno in horumarku ka balaadhan yahay bixinta mushaharka iyo waraaqaha kaa dhamaada oo aad soo iibsato, akhriste saw inooma eeka inaynu markale maamulka cod dheer ugu sheegno in wakhtigu yahay wakhtigii isbadalka iyo horumarka in wakhtigu yahay wakhtigii ay ku faani lahaayeen wixii horumara ee ay soo kordhiyeen in wakhtigu yahay wakhtigii shirka jaraaid ay kaga farxin lahaayeen macaamiishooda uguna bushaarayn lahaayeen wax cusub balse aanu wakhtigu ahayn wakhtigii lagu soo celcelin lahaa wixii tagay oo ah in laga sheekeeyo siday madbacadu u shaqayso, akhriste aan markale cod dheer ugu sheegno maamulka ka jira madbacada in wakhtigu aanu ahayn wakhtigii masuul is huba inuu wax qabtay ka baqi lahaa ama diidi lahaa su’aalaha wariyayaasha, taasoo bulshadii dawaanaysay aad ula yaabeen.
Hadaba si aynu u iftiimino xaqiiqada taala madbacada waxaan jecelahay inaad ila wadaagtaan 8 da qodob ee hoos ku qoran oo ka mid ah wax qabadkii laga rabay madbacada qaranku inay ku talaabsato mudadii sadexda sano ahayd ee ugu danbaysay taasoo aan ka soo dheegtay kana soo diyaariyay qorshaha horumarinta qaranka (National Development Plan) si aan laba caliba ugu murmin shakina uga galin fashilaada iyo habacsanaanta dul hoganaysa maamulka ka jiray madbacada qaranka sadexdii sano ee la u danbaysay:-
Kordhinta Tayada Daabacaada:
Waxa la rabay sadex sano ka dib in tayada daabacaada madbacadu horumar muuqda samayso balse may dhicin waxaana u daliila inagoo aan meel dheerba tagin, sida aynu lawada socono waxa jira wargeyska dawan oo ku dhex yaala madbacada qaranka, wakhtiyadii u danbaysayna lagu soo kordhiyay colour wax wayn ka taray bilicdiisii, hadaba akhriste maxaa sababay in wargeyskii dawlada lagu daabici waayo madbacadii qaranka ee uu ku dhex yaalay, runtii waxa sababayay horumar la’aanta madbacada hadhaysay sida maamulku ku sheegay shirkiisii jaraaid ee dhacay Sabtidii todobaadkan isagoo yidhi “ Hadaanu nahay Madbacadii Qaranka waxa daabacaada nalooga wareejin karaa laba shay oo kala ah Wareegto madaxweyne soo saaro iyo Karti daro xagayaga ka timaada” , akhriste miyaanu maamulku markhaati isugu filnayn marka wargeyskii dawlada ee ku dhex yaalay madbacada qaranka karti daro awgeed loogu daabici kari waayay. Ilaahoow haa iyo maya mar hadhaga wada yeedhsiin.
Tababarka Shaqaalaha:
Akhriste maamulku wuxuu shirkiisii jaraaid ku sheegay in sagaal ka mida shaqaalaha madbacadu aqoonta maamulka ka bartaan maxadka tababarka shaqaalaha dawlada ee loo yaqaano (CSI), runtii waa arin wanaagsan iyo talaabo hore loo qaaday, balse maamulku wuxuu iska indho tirayaa shaqaalaha intoodii kale ee joogtay qaybta farsamada oo ah halbawlaha wada madbacada tirade guud ee shaqaalahana ka noqonaya boqolkiiba shan iyo sagaashan (95%) oo aan sadexdii sano ee maamulkani joogay aan wax tababar farsamo ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda la siin ama aan helinba , tolow maxaa maalin qudha warbaahinta dawlada looga maqli waayay war ku saabsan tababar loo xidhay shaqaalaha madbacada guud ahaan gaar ahaana qaybta farsamada, taasoo keenaysa in marmarsiyo ku filan ay u noqoto kooxda rabta inay shaqooyinkii madbacada ku xalaashatadaan waxbaanu casriyaynaynaa iyo shaqaaluhu aqoon uma laha tignoolajiyada cusub.
Gaadiidka Madbacada (Transportation):
Maamulka ka jira madbacadu wuxuu sadex sano ka hor yimi madbacada oo leh laba gaadhi (mid Mark two ah iyo mid xaajiyada), labada gaadhi mid waxa wadan jiray agaasimaha farsamada iyo wax-soosaarka, oo maanta aan lahayn gaadhi uu ku rawaxo ta kalena inkastoo ay xaajiyad yar ahayd hadana ugamay dari jirin ee waxa lagu keeni jiray laguna rawixin jiray shaqaalaha, hadaba akhriste miyaanay wax laga naxo ahayn in maamulka ka jira madbacadu shaashadaha TV-ga la soo fadhiisto isagoo leh “madbacadu way qaan gaadhay oo maanta ayay ugu fiicantahay” iyadoo maamulku uu ku fashilmay isla markaana awoodi kari waayay inuu shaqaalihiisii oo rawaxa 2:00 duhurnimo u iibiyo hal gaadhi oo (Mini Bus), ah oo ay ku rawaxaan, alleylehe waa kaaf iyo kala dheeri.
Daabacaada Buugaagta Wax barashada:
Waxa la rabay sadex sano ka dib in madbacada qaranku gaadho heer ay daabacdo buugaagta wax barashada dugsiyada dawlada somaliland oo dhan (Publishing Educational Manual Texts) balse may dhicin iyadoo sida aynu ognahay wali Wasaarada Wax-barashadu ay daabacato una samaysatay madbacad u gaara arintaasoo astaan wayn iyo calaamadba u ah horumar la’aanta madbacada taasoo maamulka ka jira madbacadu aanuu shirkiisii jaraaid ku soo qaadin isagoo si u u dambabaso fashiladiisa isla markaana aan wax su’aala looga waydiinin wariyayaashii soo hor fadhiyay uga sheekeeyay wareega shaqada madbacadu marto si uu uga mashquuliyo xaqiiqada.
Dhismaha Xafiisyadii Gobalada:
Waxa la rabay sadex sano ka dib in maadaama maamulkii dawliga ahaa fiday in madbacaduna la fido oo adeega ay qabato ku baahiso magaalooyinka waawayn ee gobalada dalka, (Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Berbera, Boorama iyo Gabiley) taasoo faaidooyin badan laga heli lahaa waa mare muwaadiniinta gobalada degan ayay fursado shaqo u abuurmi lahaayeen, mida kale waxa yaraan lahaa kharashka dawladaha hoose iyo laamaha kale ee dawlada kaga baxa shidaalka ay hargeysa ugu soo safrayaan (Cost Reduction), arinta ugu mihiimsanina waxay noqon lahayd in xafiisyada gobaladu ay si ka wanaagsan siday imika tahay uga hawl gali lahaayeen adkaynta iyo xafidida adeega daabacada sababtoo ah waxay si dhaw ula socon lahaayeen dhaq dhaqaaqa daabacaadeed ee laamaha dawlada iyo dawlahaha hoose.
Horumarinta Nidaamka Biilasha:
Akhrista sadex sano ka dib waxa la rabay in laga gudbo dhibaatadii madbacada ka haysan jirtay nidaamka lacag qabashada iyo daymaha oo aad u liitay isla markaana sabab u noqda in lacagayoow madbacadu leedahay nidaamka oo aan horumarsanayn awgeed ugu dhex lumaan taasoo hadii nidaamka daymaha iyo biilasha kor loo qaado (Improving the Billing System), shaqaalaha jooga qaybta xisaabaadkana la siiyo tababaro ku filan qayb muhiima ka qaadan lahayd in dakhliga madbacadu kor u kaco.
Siyaasadii Daabacaada Qaranka:
Akhriste sadex sano ka dib waxa la rabay in wadanku yeesho siyaasada daabacaada qaranka (National Printing & Publishing Policy) sida ku cad qorshaha horumarinta qaranka, siyasadaasoo balaayo xijaab ugu filnaan lahayd madbacada, (serving copy right ownership and printing activities in Somaliland), iyadoo maqnaanshaheedu ina tusayo gaabiska ku jira xil gudashadii maamumulka sare ee madbacada oo shaqo maalmeedkoodii ku soo koobay saxeexa dalabka iyadoo dhinaca kalena uu maqnaanshaha siyaasada daabacaada qaranku si toosa uga turjumayo sida madbacadii qaranka looga dhigay go’doon ee looga qaaday dareenkii qaranimada (Sense of Nationhood), waayo lama arag haayad qaran oo aan lahayn tilmaamo siyaasadeed oo haga himaladeeda iyo wax qabadkeeda.
DHismaha Gudaha Madbacada:
Sida aynu lawada socono waxa mudadii xukuumada uu hogaaminaayo madaweyne Siiraanyo jirtay la horumariyay lana casriyeeyay dhismihii xafiisyada dawlada iyadoo maamulka madacadu aanuu ka faaidaysan qorshahaa dib u dhiska oo wali dhismihii madbacadu taagan yahay halkii afar sano ka hor uu taagnaa, akhriste si aad u fahanto baahida wayn ee loo qabo dhismaha waxa kaaga filan hoolka ugu shaqada badan madbacada oo ah hoolka lagu sameeyo laguna dhamaystiro buugaagta oo u baahan dib u habayn si kulaylka faraha badan ee kadhasha laambadaha, saqafka jiingada ee hooseeya iyo cidhiidhiga shaqaalaha looga nasto.
Waa inoo taxaneheena danbe oo aynu si faah faahsan ugu soo bandhigi doono dhib iyo dheef wixii shaqaalahu la kulmeen sadexdii sano ee u danbeeyay (2012-2014).
La Soco………………………………
W/Q;, Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle )