Thursday, August 28, 2014

Somaliland: Madaxweynihii Galaydh Xagee lagu Caleemo saari doonaa?warbixin


"Laba Askari ayaa ku dhintay Saax-dheer, Galaydhna wuu baxsaday”




Saax-dheer oo xaalad degen laga soo sheegay, Xildhibaano Maxaabiis loo qabtay, Khaatumo oo xadka Itoobiya u baxsatay iyo Buuhoodle oo ka caagan Galaydh




 [caption id="attachment_94008" align="alignleft" width="300"]Ismaaciil Shaqale oo galaydh u hanjabay Ismaaciil Shaqale oo galaydh u hanjabay[/caption]Saax-dheer(GNA)Saraakiisha Ciidanka Somaliland ayaa ka hadlay khasaaraha dhankooda ka soo gaadhay Dagaal saaka arroornimdii ku dhex maray Deegaanka Saax-dheer oo fadhiisin ku meel gaadh ah u ahaa Maamulka la baxay Khaatumo ee uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh oo reysal-wasaare mar ka soo noqday Somaliya.




Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Maxamed Shaqale oo Maanta  Warbaahinta uga sida wax u dhaceen, ayaa xaqiijiyay dhimashada labada askari oo ka tirsan Ciidanka Somaliland iyo laba ka dhaawacmay.




Waxa uu sheegay inaan khasaare intaas ka badani ka soo gaadhin dhankooda, iska hor-imaadka dhex maray Maleeshiyaadka Khaatumo.




Sareeye Gaas Shaqale ayaa intaas raaciyay inay Saax-dheer ka caydhsadeen Kooxdii Khaatumo iyo ergooyinkii halkaa isugu yimi ee martida u ahaa Caleemo saarka Cali Khaliif.




Ismaaciil Shaqale ayaa tilmaamay inay Somaliland ahaan aad uga taxadireen in dhibaato gaadho dadka deegaanka oo uu ku tilmaamay dad reer Somaliland ah.[caption id="attachment_94007" align="alignleft" width="243"]Taliyaha Ciidanka Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Saax-dheer Taliyaha Ciidanka Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Saax-dheer[/caption]




“waxaananu aad uga taxadiraynay in dadka reer Somaliland ee deegaanadaas ku sugan dhibaato gaadho”ayuu yidhi Shaqale.




Taliyaha ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan Abaanduulaha Ciidankaas Sareeye Guuto Axmed Cawaale Libaax  iyo saraakiil kale, ayaa Cali Khaliif ku eeddeeyay Dagaal ooge, waxaanay sheegeen inuu ka baxsaday Saax-dheer oo uu u cararay xagga Itoobiya.




“waxay noqotay “Cay cay dhaaftee geeska qabo” , markii uu yidhi 28 ka bishan ayaa la igu caleemo saarayaa Tuulada layidhaa Saaxdheer oo Soomaaliland ah kuna taal xadka udhexeeya Somaliland iyo Itoobiya kana dhistay halkaa buulal waawayn ergooyina uu yidhi iikaalaya ee ay yimaadeen diyaarada sida qalab ciidan kuwaas oo kayimid Kismaayo iyo Xamar “ayuu yidhi Ismaaciil Shaqale.




“saaka 5:30 (shantii iyo badhkii ) ayaa cutubyo katirsan ciidanka qaranka Somaliland hawlgal ka bilaabeen aga gaark Saaxdheer Cali iyo wixii uu watayba qof qof daymooday may yeelan”.  waxayna noqdeen wax siigo noqday iyo wax kabihii dirqi ku haleelay, meel ay jaan iyo cidhin dhigeena lama hayo”.ayuu sii yidhi.




Waxaanu caddeeyay Sareeye Gaas Shaqale “laba askarina way naga geeriyootay laba askarina way naga dhaawacantay anigoon wax beena ku darayn. ninka maqani gurigiisa ayuu ka maqanyahay ee waa la ogaan”ay




Taliyaha Ciidanka Somaliland ayaa sidoo kale u hanjabay Galaydh iyo cid kasta oo uu ku tilmaamay hadimeeyayaasha Somaliland, waxaanu yidhi “ Cali Khaliif iyo qayrkiiba in ay Jamhuuriyada Somaliland gudaheeda  dibin daabyo ka sameeyaan waxaan leenahay Cali Khaliif eega ta saaka ka qabsatay Saaxdheer”.




Dhinaca kale, warar madaxbanaan oo Gobanimonews ka heshay Magaalada Saax-dheer ayaa sheegaya inay xaalada deegaanku caadi ku soo laabatay duhurnimadii maanta, inkasta oo laga dareemayo saameynta dagaalkii saaka.




“Saax-dheer ayaan joognaa, wax dhibaato ahina kama taagna oo xaaladu waa caadi hada. waanu joognaa, waana sii joogaynaa”.sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Somaliland ee halkaasi ku sugan.




Saraakiisha ciidanka ee halkaas ku sugan ayaa intaas ku daray inay gacanta ku dhigeen maxaabiis u badan xildhibaano aanay kala aqoonsan wali inay ku jiraan kuwo dawladda Federaalka ka tirsan.




“anigu ma kala sheegi karo laakiinse niman badan oo xildhibaano ah ayaanu qabanay oo la hayaa”ayuu yidhi Sarkaal kale oo goor sii horaysay  la hadlay Gobanimo.




Khaatumo iyo Ergooyinkii Saax-dheer




Madaxdii Maamulka Khaatumo iyo ergooyin faro badan oo halkaasi soo gaadhay shalay iyo xalay, ayaan la haynin meel ay ku sugan yihiin. Mana jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhinacooda oo la xidhiidha khasaaraha gaadhay iyo halka ay ku suganyihiin.




Ergooyinka lagu marti-qaaday Caleemo saarka Galaydh ee Ciidanka Somaliland kala kiciyay waxa ka mid ahaa Reysal-wasaarihii hore ee Somaliya, Wasiirro ka socda Federaalka, Xildhibaano DF, iyo madaxdhaqameed uu ka mid yahay Suldaanka Guud ee Beesha Mareexaan ee Koonfurta Soomaaliya.




Kuwaasoo dhamaantood ka mid ah dadka laga caydhiyay Tuuladaas.




Fashilaadii labaad ee Khatumaynta




Waa markii labaad ee ay Somaliland ka qabsato Maamulka la baxay Khaatumo saldhig ay ubucdu u taalo ama ay uga yagleellantahay Madal shireed oo muhiim u ah.




Horey ayaa waxa looga eryay dhowr bilood ka hor Degmada Taleex oo ah goobtii lagu aasaasay Nidaamkan, halkaasoo dagaal la’aan lagaga qabsaday iyadoo shir balaadhani uga socdo, kaddib markii ay ciidamadu weerareen.




Tanina waa magaalo kale oo muhiim u ahayd muddo oo si fudud loogala wareegay, iyadoo Somaliland dhinaca Buuhoodle-na todobaadkan uga dhaaratay in lagu caleemo saaro Madaxweynaha Saax-dheer lagu doortay.




Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed, ayaa la sheegay inuu taleefoon kula xidhiidhay waxgaradka iyo isimada buuhoodle ku sugan, kuwaasoo uu uga digay inay soo dhaweystaan Galaydh iyo Kooxdiisa.




Sida ay Gobanimonews u sheegeen ilo-wareedyo, Waxa la sheegay in xaglo-toosiye si cad ugu sheegay Odayaasha Deegaankiisa inuu soo weerari doono hadii caleemo saar loogu sameeyo Buuhoodle Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com