Friday, August 29, 2014

Soomaaliya oo Maxkamad la tiigsanaysa Kenya "muranka badda"dhegeyso


SEESmuqdisho-Muranka xadka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xoogaystay,kaddib markii ay Dawlada Kenya shirkado gaas iyo Macdan baadhaya heshiis kula gashay dhul-biyood aan xaddeysnayn oo qayb ka ah meesha lagu muransanyahay.




Kenya ayaa doonaysa inay qaadato Dhul baaxadiisu leegtahay 100 isku wareeg ah oo ka mida Dhul-biyoodka Soomaaliya, dhulkaasoo ay hada heshiisyo macdan iyo gaas lagaga baadhayo ku gashay.




Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay Khamiistii shalay Maxkamadda sare ee QM u gudbisay dacwad ay ku dalbanayso in Kenya loo kala xaddeeyo xuduudka badda, si loo soo afjaro muranka soo noqnoqday.




Kenya wax jawaab ah kamay bixin dacwadan , laakiinse waxa muuqata inay arrintani xal ku soo dabaali doonto damaca fogaaday ee ay Kenya ku doonayso inay xoog kula wareegto qayb ka  mid ah biyaha Soomaaliya.




Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka Maraykanka ayaa laga waraystay waxay soo kordhin karto arrintani.




halkan ka dhegeyso: [audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/BADDA.mp3"][/audio]