Wednesday, August 27, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Tacsi u diray Marxuumka Geeriyooday


Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2




Warsaxaafaddeed Madaxtooyada ka soo baxay:




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Aadan Maxamed Wiilad oo ku geeriyooday 27/08.2014 Magaalada Hargeysa, laguna aasay.




Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Dawladihii kala danbeeyey ee Somaliland, markii ugu danbaysayna ahaa Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, wakhtigii  Daahir Rayaale kaahin xukunka hayey.




Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN