Sunday, August 31, 2014

Khubbaro Sheegtay in Khuurada Daawo loo helay


khuuroDadka intooda badani ma helaan hurdo ku filan habeenkii,  halka dad faro-badanina ay hurdo diidaan taa macnaheedu  maaha in aanay si fiican u shaqeynaynin marinka neefsashadu,  laakiin in ka badan malaayiin dad ah waxa ku dhaca hurdo yaraan, taasina waxay ku tusinaysaa inay u tahay astaanta,  xaalad khatar caafimaad darro oo ku timaada qofka.




Inkastoo dadka uu ku yimaado daalka, dhiig karka iyo  madax xanuunka  aan la garanayn, taasina waxay ku tusinaysaa in calaamadahaas oo dhami ay ka yimaadeen  qulubka  hurdada ee ay sababto xanibaada neefsashada hurdada ee  afka qalaad loo yaqaan (OSA) Obstructive sleep apnea




Waxay is weydiintu tahay,  Maxaa sababa xanibnaanta neefsashada hurdada, maadaama dadku ay habeen kasta ay u baahan yihiin hurdo?  waxa laga yaabaa taa jawaabteeda inaad la yaabto,  waayo, waa  khuurada !




Khuuradu qofka waxay ku keentaa inuu kaco habeenkii oo dhan, inteeda badan,  Khuuradu way sahlan tahay  waa mid ku xidhan qaab aad u jiiftsato oo aan ku haboonayn in jidhkaagu uu hello neefsasho wanaagsan oo aad ku raaxaysato, dadka qaarbaa habeenkii ooya iyagoo u baahda cid caawisa, waa marka ay neefsan kariwaayaan hurdada habeenkii,




Habka kaliyaatee lagu joojin karro istaagida neefsashada waxay tahay  in muruqa afkaooda ee daamanka la isku qabto taasina waxay kuu sahlaysaa in si fiican uu ugu furmo hawada oo ay si dhib yar ay u marto hawo-qaadashadii  hunguriga cad.




In ka badan boqol jeer ayey hurdada ka toosaan dadka qaba Xanibaada neefsashada hurdada (OSA),  ka dib aroortii marka ay dadku toosaan waxay dareemaan sidii qof aan helin hurdo ku filan, xaqiiq taasi waa dhab oo may helin hurdo ku filan, mana aha oo kaliya inuu tabanayo jidhkiisu daal badan, balse waxaynu odhan karnaa waa dadka  khuuriyee inay halis caafimaad darro ay ku keeni karto naftiisa, sida hadda la xaqiijiyey khuuradu waxay dadka ku keentaa sida;- Wadne xanuun, Madax xanuun, qalalka, xusuuta oo lunta, acid oo ku noqota, kaadi taga oo kugu badata iyo macaanka.




Sanaddihii ina soo dhaafay  aduunku kumay  guulaysan daawooyin lagula tacaalo dadka uu haleelay xanuunka  khuuradu  ee afka-qalaad loo yaqaano apnea,  mudooyinkaasi  waxa dadkaasi soo wajahay  dhaqaalo burbur kagaga baxayey in mar uun ay helaan daawo ka kaxaysa khuurada, waxay ku isticmaali jireen  guriga qalab u fududeeya inay helaan hawo xiliga hurdaan,  qalabadaas qaaliga ah waxa ka mid ahaa sida,  continues positive airway pressure (CPAP) ,Special  Bi-Level mac hine, Pro vent therapy, oral Appliances, Adaptive servo ventilation (ASV), Nasal Bellow Mask,  Components of a Mask, Styles of Masks, halka dadkaloo badanina  lagu sameeyey qaliin,




Nasiib wanaag hadda waxaas oo dhami way is badelaan , waxa hadda la helay  marro isku haynaysa afkaaga iyo madaxaaga si aanad afkaagu u furmin inta aad hurudo, maradaasi waxay kaa taageeraysaa si dhib yar inay hawadu u mari karto qaybta hawo mareenka ee hunguriga cad.




 




Diyaariye: Dr. Mohamed Farah Qot




Madaxa xafiiska: WM AND EHC ee wasaaradda caafimadka