Monday, August 25, 2014

Sirdoonka Ingiriiska Oo xaqiijiyay In Heesaa British ahi Gowracay Suxufigii la dilay


sssUK (Gobanimonews)25-8-2014-Sirdoonka Ingiriiska ee (BIS),ayaa soo bandhigtay arin warbaahinta Caalamka iyo intii maqashayba ka yaabisay,ka markii  Hay’adda arimaha daba galka iyo sirta u qaabilsan dalweynaha Ingiriiska ee BIS loo soo gaabiyo ee (British Intelligence Services )  ay warbixin cusub ku soo bandhigtay Suxufi lagu magacaabo James Foley  una dhashay dalka mareykanka oo todobaadkan Kooxda Islaamiyiinta ee ISIS ee Ciraaq ka dagaalanta ay qoorta ka jartay uu Heesa British Caan ah oo lagu magacaabo Abdel-Majed Abdel Bary ahaa qofkii Video-ga laga soo duubay ee ninkaasi gawracayey,




Sida ay ku warantay Wakaaladda Sunday Times Newspaper oo xarunteedu tahay  London,waxa ay Majaladani warbixinteeda ka soo xigatay Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda BIS ee Sirdoonka dalka Ingiriiska kaasi oo cod saday in aan magaciisa la sheegin,waxana Sarkaalkani  uu wargeyska UK ka soo baxa uu u sheegay in ninka looga shakisan yahay in uu madaxa ka jaray Suxufiga reer Mareykan ee James Foley in uu yahay Heesa ku caan ah qoobka ciyaarka laguna magacaabo Bary balse hada ku biiray kooxda Daa’ish ee Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalanta una bedelay magaciisii Jihaadiiste Abdel-Majed Abdel Bary.




Majaladan oo warbixinteeda sii wadata waxa ay tidhi Bary waxa dadiisu tahay 23 jir, waxana uu sanadkii hore ee 2013-kii  Xaafada uu ka dhashay ee eheladiisa kaga tegay xaafadooda oo ku taala suuqa weyn ee (London Upmarket),balse sanadka dib waxa la arkey sawir uu bartiisa Twiterka soo dhigay isaga oo kor u haya bogos xoogay leeg isla markaana xidhan dharkii uu xidhna  ninkii madaxa ka jaray Wariyaha reer Mareykanka ee James Foley arintaasi oo shaki weyn keentay in uu isaga yahay qofka madaxa ka jaray suxufigaasi ee kooxda ISIS ka tirsan.




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Office /Somaliland