Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa badhasaab u magacaabay Gobolka cusub ee Xaysimo (Ex Taleex).
Axmed Siilaanyo ayaa bishii la soo dhaafay Gobol u aqoonsaday Degmada Taleex ee horey uga tirsanayd Gobolka Sool, halkaasoo ay dhawaan Somaliland kala wareegtay Maamulka la baxay Khaatumo.
Magacaabista Badhasaabka gobolka Xaysimo ayaa noqonaysa dhamaystirka Gobolnimada Taleex, taasoo laga maamuli doono lix degmo oo badankoodu cusub.
Warsaxaafaddeed ka soo baxay Madaxtooyada Maanta oo Axad ah ayaa lagu xaqiijiyay magacaabista Guddoomiyaha Gobolkan cusub.
Warsaxaafaddeedka ayaa u dhignaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay SL/M/XERM/249-2670/082014 ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin
dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada
Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Source: Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com